Boqor Salmaan Oo Furay Shir Madaxeedka Ururka Jaamacada Carabta

Hargaysa (Aftahannews):- Boqor Salmaan Bin Abdicasiis ayaa furay shir madaxeedkii sagaal iyo labaataan ee ururka Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay magaalada Dahraan waxaanu khudbadiisuu furitaanka ku dhaliilay waxa uu ku sheegay farogalinta qaawan ee Iran ee arrimaha gobolka.

Loolankaa dalkiisa iyo Tehran ka dhexeeya mooyee boqorku muu soo hadal qaadin weerarkii Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiisku ku qaadeen Suuriya.

 

Boqor Salmaan waxa kale oo uu ku nuuxnuuxsaday in uu diidan yahay go’aankii uu dhawaan qaatay Madaxweyne Trump ee ahaa in uu safaaradda Maraykanka ee ku taal Tel Aviv u rari doono magaalda Quddus waxaanu sheegay in Quddus tahay goob muhiim ah oo ka mid ah dhulka Falastiiniyiinta.

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa qiray in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay dal yeelato.

Sacuudiga iyo Israa’iilba waxay halista ugu wayn ee dibadda kaga soo fool leh u arkaan Iiraan iyo malayshiyaadka Jihaadddoonka ah.

Shirkii Jaamacadda Carabta ee sanadkii hore ka dhacay dalka Urdun ayaa Hogaamiyeyaasha Carabeed bayaankoodii ay ka soo saareen shirkaasi ay ku sheegeen in ay xidhiidh taariikhi ah la furi doonaan Israel hadii ay ka baxdo dhulka Carbeed ee ay haysato tan iyo 1967.

Hogaamiyeyaasha Carbeed ayaa waxa ay sidoo kale sanadkii tagay diiradda saareen dagaallada ka socda Suuriya, Ciraaq, Liibiya, Yemen iyo la dagaalanka argagixisada iyo colaadda Falastiin iyo Israel dhex taal.

Dadka la socda arimaha Carabta ayaan iyagu filayn in shir madaxeedkani ka duwanaan doono kuwii hore, sidoo kalena waxaan la filayn in wax horu mar ah oo la taaban karo uu ka tari doonto colaadaha ka aloosan gobolka.