Qoys Ka Hadlay Xadhig Iyo Tacadi Uu Kula Kacay Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland

Hargeysa (Aftahannews):- Sucaad Cumar Xagaa oo ka mid ah Dadwaynaha ku nool Xaafada Shacabka ee la dariska ah Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland Saylici ayaa waxa ay Cabasho xoogan ka muujisay Daad xoogleh oo roobkii weynaa ee Khamiistii ka da’day Magaalada Hargeysa uu soo rogay,kaasi oo dhinac walba uga baxay Guryihii ay deganaayeen, Waxaanay sheegtay in Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland uu ku xidhay biyahaasi oo awal dhaafi jiray islamarkaana ay sheegtay inay biyahaasi Khasaare culus u gaysteen.

 

Sidoo kale Sucaad Cumar Xagaa ayaa waxa ay sheegtay in Ilaada Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland ay Rasaas u adeegsadeen isalamarkaana ay Jidh dil u gaysteen Qoyskooda oo ay xidheen Aabahood iyo mid ka mid ah Inan Ay Walaalo yihiin oo ka tirsan Ciidanka Qaranka oo ay mudo laba cisho ah labadooduba ku kala xidhan yihiin Xarunta Taliska Ciidanka Qaranka iyo Qaybta Burjeex.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka