Waraysi Wax Badan Iftiimiyey iyo Barnaamijka Xog-tibaax ee SomnewsTV

CFATAAX MURSAL IYO PROF ABYAN

Hargeysa(Aftahannews)- Musharraxii u tartamay jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID doorashadii Madaxtooyada Somaliland ka dhacday 13-kii November 2017-kii Prof: Axmed Cabdi Muuse Abyan, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo dhawr ah oo uu ay ka mid yihiin Mustaqbalkiisa siyaasadeed, dhismaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, khilaafka ka taagan Guddiga doorashooyinka ee u dhexeeya Xukuumadda iyo UCID oo isku dhinac ah iyo Xisbiga Waddani oo dhinac ah, siduu u arko kulammada Madaxweynuhu la yeesho Hoggaamiyeyaasha XIsbiyada Siyaasadda iyo qodobbo kale.

CFATAAX MURSAL IYO PROF ABYAN

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa uu Prof: Abyan, arrimahaas iyo kuwo kale oo Xasaasi ahba kaga hadlay Waraysi lagula yeeshay Barnaamijka Xog-tibaax ee ka baxa Telefeshinka Somalinewstv oo uu Daaddihiye Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal.

Haddaba, Waraysigaas oo dhammaystiran sidii aannu hore idiinku ballan-qaadnay, isla markaana Caawa TV-gu baahiyey, ayaannu jeclaysannay inaannu idiin soo gudbinno, waxaanad ka daawan kartaan Waraysiga oo dhan, Muuqaalkan hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.