“Kulammada uu Madaxweynaha Somaliland la yeesho Hoggaanka Xisbiyada Sawir Qaran kama Muuqdo ..” Prof: Axmed Cabdi Abyan

CABDIFATAAX ISMAACIIL MURSAL IYO MUSHARRAXA MADAXWEYNAHA UCID AXMED CABDI ABYAN 2018

Hargeysa(Aftahannews):-  Musharraxii u tartamay jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID doorashadii Madaxtooyada Somaliland ka dhacday 13-kii November 2017-kii Prof: Axmed Cabdi Muuse Abyan, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo dhawr ah oo uu ay ka mid yihiin Mustaqbalkiisa siyaasadeed, dhismaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, khilaafka ka taagan Guddiga doorashooyinka ee u dhexeeya Xukuumadda iyo UCID oo isku dhinac ah iyo Xisbiga Waddani oo dhinac ah, siduu u arko kulammada Madaxweynuhu la yeesho Hoggaamiyeyaasha XIsbiyada Siyaasadda iyo qodobbo kale.

CABDIFATAAX ISMAACIIL MURSAL IYO MUSHARRAXA MADAXWEYNAHA UCID AXMED CABDI ABYAN 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa uu Prof: Abyan, arrimahaas iyo kuwo kale oo Xasaasi ahba kaga hadlay Waraysi lagula yeeshay Barnaamijka Xog-tibaax ee ka baxa Telefeshinka Somalinewstv oo uu Daaddihiye Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal.

Haddaba, Hordhaca Waraysigaas oo aan weli bixin, balse bixi doona Saacado ka dib, ayaannu jeclaysannay inaannu idiinku soo gudbinno Warbaahinteenna Aftahannews.com, waxaanad ka daawan kartaan Hordhaca Waraysigan oo xiiso badan, Muuqaalkan hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-


aftahaninc@fgmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.