Somaliland: Siday Ku Tageen Guddiyadii Doorasho ee la Isku Khilaafay iyo Xaaladda Hadda ee Waddani iyo Xukuumadda – Warbixin

Hargeysa(Aftahannews):- Murankan ka taagan sii joogitaanka iyo meesha ka saarista Guddiga doorashooyinka Somaliland ee ay isku hayaan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Xukuumadda Xisbiga Kulmiye, ayaa soo baxay markii uu Xisbiga Waddani Warqad qoraal ah u gudbiyey Madaxweynaha 22-kii bishan, taas oo uu ku dalbaday in la kala diro Guddiga oo uu Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan-Cirro sheegay inay kalsoonidii kala noqdeen Xisbi ahaan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Maanta khudbad-sannadeedka Dastuuriga ah ka jeediyey Fadhi wada-jir ah oo ay labada gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilladu ku yeesheen xaruntooda hargeysa, waxyaabaha uu kaga hadlay waxaa ka mid ahaa Go’aankaa Waddani kalsoonida Guddiga doorashada uu ku qabay ku laalay iyo Warqadda Waddani u gudbiyey oo uu ku tilmaamay mid lagu carqaladaynayo doorashada Golayaasha deegaanka iyo wakiillada oo wakhtigeedu ku eegyahay 2019-ka. Waxaanu yidhi…..

Madaxweynaha Somaliland Mudane Biixi, waxa uu sheegay inay ka go’antay qabashada doorashada oo uu sheegay in shaxdeeda Komishanku u soo gudbiyey……

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa hadalka Madaxweynaha ka dib isla maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa, ku naqdiyey Warqad Jawaab ah oo Madaxweynuhu u celiyey oo uu ku tilmaamay mid ka maydhnayd milgaha Qoraal Madaxweyne. Waxaanu yidhi…

Guddigii ugu horreysay ee doorasho waxay Somaliland yeelatay 2002-dii oo uu magacaabay Allaah ha u naxariistee Madaxweynihii labaad ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, taas oo qabatay doorashadii ugu horreysay ee deegaanka 2002-dii, doorashadii u horreysay ee Madaxtooyada 2003-dii iyo doorashadii u horreysay ee Golaha Wakiillada 2005-tii. Hase, yeeshee, 2007-dii waxaa Guddigaas kala diray Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo sheegay in waqtigoodu dhammaaday, waloow ay Xisbiyada Mucaaradka ahi u doodayeen, haddana may noqon suuragal inay sii joogaan..

Isla 2007-dii, ayaa la dhisay Guddi doorasho oo sida sharcigu dhigayo toddoba Xubnood ka kooban oo ka kala yimaadda Saddex Xubnood oo Madaxweynuhu xulo, laba Xubnood oo Golaha Guurtidu xulo iyo laba Xubnood oo Xisbiyada Mucaaradka ahi kala xulaan, laguma kalsoonaan.

Afarta iyo saddexda Bishii todbnaad 2009-kii, ayaa lagu qasbay inay iscasilaan Badi Xubnihii guddigaas oo ahayd guddigii labaad ee doorasho ee Jamhuuriyaddu yeelato, ka dib markii ay Xisbiyadii Mucaaradka ahaa ee wakhtigaas jiray oo kala ahaa Xisbiga UCID iyo Xisbiga Kulmiye ka soo horjeesteen Guddigaas oo ay ku tilmaameen inaanay dhexdhexaad u ahayn Xisbiyada, inkasta oo ay Xisbigii UDUB iyo Xukuumaddiisii wakhtigaa ee Mudane Daahir Rayaale Madaxweynaha ka ahaa diiddanaayeen doonistii Mucaaradka ee markaas, haddana markii ay Beesha Caalamku soo farogelisay, waxaa lagu qasbay Guddigaas inay is-casilaan.

Waxaana la magaacay Guddigii saddexaad ee doorasho ee Somaliland yeelato, kuwaas oo muddo lix bilood gudohood ah ku hirgeliyey doorashadii Madaxtooyada ee 2010-kii oo lagu doortay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Axmed-Siilaanyo.

Guddigan Xisbiga Waddani codsaday in la kala diro ee uu Xisbi ahaan kalsoonida kala noqday, ayaa ah Guddigii Afraad ee doorasho ee Somaliland yeelato oo qabatay doorashadii Madaxtooyada ee qabsoontay 13-kii bishii NOVEMBER 2017-kii. Haseyeeshee, lama garanayo inay sii joogi doonto illaa doorasho dambe iyo in sida waddani wax u doonayo ku dambayn doonto oo la kala diri. Maaddaama oo uu Xisbiga kale ee Mucaaradka ah ee UCID kula socon mawqifkaas oo uu ka soo horjeestay.

Warbixintaas iyo Weedhaha Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Waddani is-dhaafsadeen iyo Waraaqaha ay isugu jawaabeen-ba iyaga oo faahfaahinaya Mawqifyadooda, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.