Mudanayaasha Golaha Deegaanka iyo Maayerka Gabiley oo Dhagax-dhigay Lix Mashruuc oo Cusub oo ay Fulinayaan

XILDHIBAANNADA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA GABILEY 2018

Gabiley(Aftahannews):- Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley oo uu horkacayo Guddoomiyaha Golaha ahna Maayerka Degmada Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi, ayaa maanta dhagax-dhigey lix mashruuc oo ay ka gole ahaan ka hirgalinayaan Degmada,iyo Tuuloyinka hoos yimaada, kuwaas oo uu daahfurkoodii iyo dhagax-dhigii kala qeyb galey Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax).

XILDHIBAANNADA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA GABILEY 2018

Munaasibadan dhagax dhiga oo uu goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax),waxa kale oo iyaguna kasoo qeyb galey inta ugu badan ee Xubnaha Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley,Xoghayaha Fulinta Maamulka D/hoose ee Degmada Gabiley Mustafe xaaji,Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Gabiley,iyo Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Gabiley,aqoonyahan waxgarad,madaxdhaqameed iyo qeybo badan oo kamid ah Bulshada Gobolka Gabiley.

Mashaariicdan Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley daahfurkooda,iyo dhagax dhigooda maanta kusoo bandhigey Gudaha Magaalada Gabiley,oo u badan kaabayaasha  adeegyada aasaasiga u ah Bulshada oo ay kamid yihiin,Dugsiyo Waxbarasho,Xarumo Caafimaad, Saldhigyo Booliis, Sariimaddo,Xarunta Wey nee Dab-damiska Gabiley,iyo Dhismayaal kale.

“Gudoomiye Waxa aannu maanta Dooneynaa inaad noo dhagax dhigto,lix Mashruuc oo wada socda  ahna Mashaariicda hurumarineedd ee adeegyadda aasaasiga u ah Bulshada oo Golaha Deegaanka Degmada Gabiley doonayaan in ay kaga jawaabaan baahiyaaddka shacbiga Reer Gabiley,lixdaa Mashruuc runtii waxa weeyi Lix mashruuc oo wax ku ool ah Waxbarashaddii baa kujirta,Nabedgalyaddii ayaa kujirta,Sariimadiibaa kujirta,waa adeegyadda aasaasiga ah ee Caafimaadka Bulshada runtii taabanaya,Dabadamiskii ayaa kujira oo ay muhiim aheyd in la helo Xaruntii ay ka hawlgalayeen,waxa lagaga shaqeynayaana waa lacagtii Cashuurta ee dadka laga qaadey,halkana Mashaariicihii hurumarineed ee aanu ka Gole Deegaan ahaan dadkayagga u qabaneynay,ayaanu ku daah fureynaa maanta maadaama mar lawada bilaabayo dhismahooda,halkii mar meel lasoo dhagax dhigi lahaa”Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ahna Maayarka Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi oo ka hadlayey Mashaariicda ay soo bandhigeen.

Waxaanu intaa ku darrey hadalkiisa in uu Bulshadda Gobolka Gabiley iyo Degmada Gabileyba ugu baaqayyo,in wixii ay tabarucaad iyo iskaa Wax u qabso ah ee Geestoooda looga baahan yahey ay la barbar joogsadaan Maamulka Golaha Deegaanka Gabiley maadaama, cashuurtii laga qaadey, maanta dib loogu celinayo,oo dhismayaashaa lagu hirgalinayo.

“Bulshadda Reer Gabiley waxaan ugu baaqayaa in ay ka qeyb qaataan oo ay ilaashadaan oo wixii tabarucaad iyo iskaa wax u qabso ah ay dhinacooda ka galaan,Sida Xukuumadda Madaxweyne  Muuse Biixi Cabdi hoggaaminayo ka go,anna waxaanu dooneynaa in aanu Doorkayaga ka Gole Deegaan ahaan iyo D/hooseba inaanu qeyb weyn ka qaadano hirgalinta hadaffyada iyo hiigsiga Xukuumadda eek u dhisan hurumarinta Shacabka Reer Somaliland”Ayuu yidhi Maayar Amiin Cumar Cabdi.

Waxa kale oo isaguna halkaa hadal kooban ka jeediyay,Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax),oo sheegay in ay muhiimad gaar ah u leeyihiin Dhismaha Mashaariicdani.

“Anniga waxey Muhiimad gaar ah iigu leeyihiin Mashaariicdani in ay Degmooyinkii kale ee Gobolku kuwadda jiraan oo aaney Gabiley iyadduuni isku koobin,in Gabiley uun wax laga qabto Degmadan Gabiley,oo hooyaddii Gobolka ah oo u qorsheysay in ay meelba wixii taagteeda ah gaadhsiiso in wax laga qabto waan idinla qaaddaney waanan dhagax dhigayaa waanan idinku hambalyeynayaa”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Goblka Gabiley Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax).

Waxa kale oo Munaasibadan ka Hadley,Xoghayaha Fulinta Maamulka D/hoose ee Degmada Gabiley Mustafe Xaaji Maxamuud Cabsiiye,Taliyaha Qeybta Ciidanka Booliska Gobolka Gabiley,Mursal Xaaji Warsame,Taliyaha Saldhiga Ciidanka Booliska Gabiley Muxumed Cabdi Suldaan(Muxumed-Yare),Xildhibaan Cibaado Maax Cilmi,Xil Cabdiqaadir Maxamed Faarax,Xil,Cabdisamed Sheekh Aadan,Xil Axmed Cali Maxamed iyo Masuuliyiin kale.

Ma aha Mashaariicdii ugu horeysay ee Noocooda ah oo Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley mudadii uu Maayarka ka ahaa Degmada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi laga fuliyo Gabiley haseyeeshee,waxay kuwani noqonayaan lixdii Mashruuc ee la hirgaliyo Xiliga Xukuumaddan cusub.

Cabdiraxmaan N. Axmed

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.