Messi Iyo Maradona: Ilmaadeer Talo Isa-siiyey 

Aftahannews(Sports):- Ciyaaryahankii hore ee xulka qaranka Argentina ee Gabriel Batistuta ayaa  is barbar-dhig ku sameeyay halyayga reer Argantina ee Diego Armando Maradona iyo xiddiga kooxa isla xulka qaranka Argentinaiyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi wuxuuna Batistuta ka hadlay waxyaabo aanu Messi ku gaadhi karin Maradona.

Gabriel Batistuta ayaa wuxuu u arkaa in Lionel Messi uu kubada cagta kala sinaan karo Diego Maradona ama uu kaga sari mari karo farsamo ahaan iyo tayo ahaanba, laakiin inuusan gaari doonin marna hogaaminta shaqsiyadeed ee Maradona uu xxulkiisa ugu hogaamiyay koobkii aduunka sanadii 1986-dii.

Batistut ayaa wareysi uu Mundo Deportivo waxa uu ku sheegay“Messi wuxuu noqon karaa mid farsamo ahaan la siman Maradona, ama laga yaabo inuu ka sii fiican yahay, laakiin kubada cagta marna kuma garaaci karo”.

Halyayga xulka qaranka Argantina oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yidhi: “Aniga ahaan, Maradona wuu ka fiican yahay qof walba, wuxuu ku matalaa Argentinina waxyaabo badan, ma ahan kaliya kubada cagta”.

“Waxa uu ahaa xidigeena koowaad, wuxuu albaabka u furay qof walba, wuxuu ku guuleystey koobka adduunka, wuxuu lahaa hami weyn iyo malayn aan caadi ahayn”. ayuu Gabriel Batistuta uu hadalkiisa sii raaciyay.

Khadar Jaamac Dirir

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.