Xil: Rayte oo Dawladda Somaliland ku Eedeeyey Masuuliyadda Sicir-bararka Doollarka iyo Muceeshadda

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shaaciyey in Dawladda Somaliland leedahay masuuliyadda Sicir-bararka iyo Doollarka sannadahan dambe marba marka ka dambaysa kor u sii kacayey qiimaha lagu sarrifo ee Shilinka Lacagta Somaliland.

Xildhibaan Rayte oo ka mid ahaa Xildhibaanno Dooddooda ka dhiibtay dhibaatada Sicir-bararka fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland ee Maanta oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay inaanay sal u ahayn Sicir-bararka Qiimaha Doollarka iyo Muceeshadda Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Ganacsatadu, balse Masuuliyadda koowaad ay leedahay Dawladda Somaliland oo doorkeedii hoggaamineed ee Lacagta iyo qiimeheeda ay gabtay.

Haddaba, Doodda Xildhibaan Rayte oo dheerayd, isla markaana uu qodobbo cadcad u cuskaday iyo soo jeedimihiisa-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.