Halkay Maraysaa Ismuquuninta Ciyaarta Siyaasadda ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya?  

XILDHIBAANNADA BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA 2018

Muqdisho(Aftahannews):- Xaaladda Kacsan ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kala qaybisay, weli may Saldhiggan oo waxaa saacadihii ugu danbeeyay soconayay Olole siyaasadeed iyo doolatusyo ay sameynayaan xildhibaannada iska soo horjeeda ee ku kala aragti duwan mooshinka laga keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

XILDHIBAANNADA BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Golihii Wasiirradda ugu badnaa ayaa mar kaliya ka soo dhax muuqday kulan maalintii shalay hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ku dhaxmarey xildhibaannada saxiixay mooshinka ka dhanka ah Prof Jawaari, waxaana kulankaa ka hadlay inta badan Xildhibaannada ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed oo ka dalbaday guddoomiyaha in uu xilka iska casilo ka hor inta aan la gaarin codbixinta, iyaga oo sheegay in xildhibaannada ka soo horjeeda gaarayaan 197 Xildhibaan.

Hase-yeeshee, taa beddelkeeda Xildhibaannada taageersan Prof. Jawaari, ayaa arrintaa beeniyey, iyaga oo sheegay in 184 cod oo kaliya u baahan yihiin si ay xilka uga qadaan Jawaari, sidaa daraadeed haddii ay gaarayaan 197 xildhibaan aysan jirin sabab ay guddoomiyaha ugu dhiir-galiyaan in uu xilka ka dego.

Dhoolla-tusyada siyaasadeed ee socda ayaa u muuqda kuwo ragaadiyo howlihii labada gole ee dowladda, maaddaama xubnaha golaha Wasiirrada iyo Xildhibaannada howlmaalmeedkooda caadig ahaa u weeciyeen ololaha la xiriira mooshinka oo dhinac walba ku dadaalayo sidii uu uga takhlusi lahaa dhinaca kale.

Jawaari ayaa meesha ka saaray in uu xilka iska-casilayo ka hor inta aan la gaarin codbixinta mooshinka, madama sida uu hadalka u dhigey uu sharci uga degayo kursiga. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre oo guddoomiye Jawaari uu ku eedeeyay in uu gadaal ka riixayo mooshinka isaga laga keeney.

Sidoo kale madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la ogeyn mowqifkiisa ku aadan khilaafkan siyaasadeed ee labada Gole ee dowladda marka laga reebo kulan uu la yeeshay guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guud ahaan dadka falaqeeya siyaasada Soomaaliya ayaa qaba in arrimahan dhacaya bulshada Soomaaliyeed soo xasuusinayaan is-qabqabsigii siyaasadeed ee ragaadiyay dowladihii tan ka horeeyay, waxaana ay intaa raacinayaan in xitaa haddii uu meesha ka baxo ama uu sii joogo Prof  Jawaari aysan joogsan doonin mooshinnnadan lana arki doono mas’uuliyiin kale oo dood ka taagan tahay xil-heyntooda.

Xigasho HiiraanOnline

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.