Real Madrid iyo Arsenal: Kulanka Caawinta iyo Qabsoomada Bisha

Aftahannews(Sport):- Kooxaha kubada cagta Real Madrid iyo Arsenal ayaa ku heshiiyey laba Ciyaarood oo sadaqo ururin ah kulamadaas oo lacagta ka soo xaroota loogu deeqi doono dadka faqiirka ah ee aan waxba haysan.

Labada kooxood ayaa heshiiska waxaa u kala saxeexay ciyaartoydii hore ee Robert Pires iyo Raul kuwaas oo sidoo kala hogaamin doona ciyaartoyda ciyaari doonta labadan kulan ee Sadaqada ah.

Kulanka lugta hore oo ka dhici doona Garoonka Bernabeu ayaa la ciyaari  doonaa saddexda bisha June ee Sannadkan halka ciyaarta lugta labaad oo ka dhici doona Garoonka Emirates Stadium kaas oo dhici doona bisha September 8 deeda isla Sannadkan 2018.

Ciyaartoyda Real Madrid ee kasoo muuqan doonta kulamadan waxaa ka mid ah Raul, Fernando Morientes, Guti Robert Pires iyo Julio Baptista halka dhanka Arsenal ay ka soo muuqan doonaan Ciyaartoyda Freddie Ljungberg, Gilberto Silva, Ray Parlour, Sol Campbell, Lauren Tomas Rosicky Roberto Carlos, Xabi Alonso iyo Raul.

Khadar Dirir (Khadar Jacayl)