Dhaxal-Sugaha Sucuudiga oo Wacad ku maray inuu Meesha Ka Saari doono Fikirka Ikhwaanka

Riyadh(Aftahannews):- Dhaxal-sugaha 1-aad ee Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa wacad ku maray inuu gabi ahaanba meesha ka saari doono fikirka “Ikhwaanka” ee weli ka sii jira gudaha iskuulada Sucuudiga.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay barnaamijka 60-daqiiqo ee telefishinka CBC News ee dalka Mareykanka ayaa waxa uu yidhi: “Iskuulka Sucuudiga waxay duulaan kala kulmeen kooxda Ikhwaan Muslimiinka, qaarkoodna weli way ku sii hadhsan yihiin, laakiin sida ugu dhakhsiyaha badan gabi ahaanba meesha waa laga saarayaa.”

Su’aal uu weriyuhu waydiiyay oo ku saabsanayd xagjirka dhanka Iskuulaadka ayuu uga jawaabay: “Dabcan, waan dooneynaa inaan meesha ka saarno xagjirka, ma jirto dawlad adduunka ka tirsan oo aqbalaysa in nidaamkeeda waxbarashada ay soo weeraraan kooxo xagjir ah.”

Waxa uu carrabka ku adkeeyay iney kaalin ka qaadan doonaan, dadaallada ay adduunyadu waddo ee la-dagaalanka xagjirnimada ku saabsan,  “Wixii ka dambeeyay sanadkii 1979, waxaan ku dhibatoonnay, gaar ahaan jiilkeenna hadda cusub.”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, wareysigan oo ahaa kii ugu horreeyay ee dhaxal-sugu siiyo Telefishin dalka Mareykanka laga leeyahay, ayaa waxa uu xusay in waxa celin karaa un ay geeri tahay, horeyna uu ugu sii socon doono siyaasadaha hagaajinta ah ee uu ka wado gudaha Sucuudiga.

Khadar Jaamac Dirir

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.