Ciyaaryahan Hooyadii Difaacday Xirfaddiisa Ciyaareed

Aftahannews(Sports):- Hooyada dhashay Xiddigga Xooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo, ayaa hadallo jeesto ah soo dhigtay barteeda bulshada ka dib markii uu Wiilkeedu dhaliyey afar Gool kulankii ay 6-3 kaga badiyeen Naadiga Girona.

Dolores Aveiro” Aaway dadkii lahaa Cristiano Ronaldo waa 33 Sano jir wayna ka dhamaatay aaway kuwii wiilkeyga aflagaadayn jiray may soo hadlaan hadda ma aanan amaantooda markii uu dhaliyey 4 Gool sidaa waxa ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Cristiano Ronaldo ayaa 21 Gool dhaliyey 13 kulan ee lasoo dhaafay waxaana uu soo galay Kaalinta labaad kala horaynta Gool dhalinta Horyaalka Spain isaga oo leh 22 Gool 3 Gool oo kaliya ayuuna ka hooseeyaa Lionel Messi oo leh 25 Gool.

Khadar Dirir (Khadar Jacayl)

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com