Spain: Messi, Ronaldo iyo Xiisaha Kala Horraynta Gool-dhalinta

Aftahannews(Sports):- Waxaa meel xiiso badan maraya Tartanka Gool dhalinta Horyaalka dalka Spain kadib markii uu Goolal badan dhaliyey weeraryahanka Real Madrid ee Cristiano Ronaldo,

Cristiano Ronaldo oo kulankii ugu danbeeyey kooxdiisa u dhaliyey afar Gool ayaa soo tiigsaday Ciyaartoyda Barcelona ee Lionel Messi iyo Luis Suarez kuwaas oo iyagu ahaa kuwo goolal aad u badan ka dheeraa Ronaldo bartamihii Horyaalka La liga.

Abaalmarinta Pichichi tan iyo sanadkii 2010 waxaa midba mar qaadayay ciyaartoyda Ronaldo iyo Messi iyada oo Ronaldo uu ku Guuleystay saddex Mar oo kala ahayd 2011, 2014 iyo 2015) halka Messi uu ku Guulaystey (2010, 2012, 2013 iyo 2017)

Hadaba halkan ka dheeho kala horaynta Goolasha?

Lionel Messi (Barcelona) — 25 goals

Cristiano Ronaldo (Real Madrid) — 22

Luis Suarez (Barcelona) — 21

Antoine Griezmann (Atletico) — 17

Cristhian Stuani (Girona) — 17

Iago Aspas (Celta Vigo) — 16.

Khadar Dirir (Khadar-Jacayl)

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.