Saddex Sanno Kadib Iyo Dib U Soo Laabashadda Yaya Toure Ee Xulka Ivory Coast

Ciyaaryahanka kooxda Manchester City Yaya Toure ayaa saddex Sano kadib ku soo laabtay xulka dalkiisa  Ivory Coast kaas oo aannu u ciyaarin tan iyo sannadkii 2015.

Yaya Toure ayaa ku dhawaaqay in uu ka fadhiistay ciyaaraha Caalamiga ah kadib markii uu dhanmaaday koobkii qaramada Africa ee 2015 wixii intaa ka danbeeyeyna uma aannu ciyaarin  Ivory Coast.

Xiddigaan ayaa Magaciisa lagu daray xukii u danbeeyey ee loo magacaabay dalkiisa Waxaana Xidhiidhka kubada Cagta Ivory Coast ay xaqiijiyeen in uu ka laabtay Go aankiisii ahaa in uu ka fariistay Cayaaraha Caalamiga ah isla markaana uu Yaya Toure isku diyaarin doono koobka Africa 2019.

Khadar Dirir (Khadar Dirir)