Eedaymihii Fashilmay ee Maxamed loo jeediyey iyo Igu Sawirtii Raysal-wasaare Ku-xigeenka

RAYSAL-WASAARE KU-XIGEENKA SOOMAALIYA IYO MAXAMED CABDILLAAHI CUMAR KULANKOODA MUQDISHO 2018

Maxamed Cabdillaahi Cumar, waa Madaxa Xarunta Caalamiga ah ee Khilaafaadka Siyaasadda qaybteeda u qaabbilsan Geeska Afrika, shaqadiisuna waa yaraynta xasaradaha iyo colaadda siyaasdeed ee ka aloosan Geeska Afrika.

RAYSAL-WASAARE KU-XIGEENKA SOOMAALIYA IYO MAXAMED CABDILLAAHI CUMAR KULANKOODA MUQDISHO 2018

 

 

 

 

 

 

 

Maxamed wuxuu si joogta ah ula kulmaa Madaxda waddamada Geeska Afrika, sida Itoobiya, Koonfurta Sudan, Soomaaliya, Somaliland iyo Djibouti, gaar ahaan Madaxweynayaasha iyo Ra’iisal-Wasaarayaasha. Isagoo si joogta ah ula shaqeeya Michael Keating (SRSG), Ururka Midawga Yurub iyo Ururka Midawga Afrika.

Intaas haddaynu kaga nimaadno shaqada uu qabto Maxamed Cabdillaahi Cumer, wuxuu ahaa Wasiirkii hore ee Ganacsiga Somaliland, marna arrimaha dibedda Somaliland, waxaanu ka tirsanaa Xisbiga talada haya ee Kulmiye Golihiisa dhexe iyo Guddigiisa Fulinta Xilkan uu hadda Afrika u hayo ka hor, waxa dhawaanahan Baraha Bulshada aad loogu falanqaynayay in Maxamed Cabdillaahi la kulmey Ra’iisal-wasaare ku-xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya, taas oo dhalisay in siyaasiyiinta Xisbiyada Somaliland siyaabo kala duwan uga hadlaan arrintan.

Maxay tahay xaqiiqada la kulankaas iyo ujeeddadu?

Sida aan ka xaqiijinnay Maxamed Cabdillaahi iyo Dad Masuuliyiin ah oo ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho oo ahayd goobta kulanka labada masuul ka dhacay, waxaa Madaarka ku sugnaa si uu uga dhoofo Maxamed Cabdillaahi oo hawlo shaqo u joogay Magaalada Muqdisho, ka dib waxaa soo galay oo la fadhiistay Maxamed si uu u salaamo Raysal-wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Ka dib waxa Sawir ka qaaday, isla markiiba dhalinyarada la shaqaysa Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka, isla in ka yar saacadna waxaa sawirkii lagu arkey pageka uu gaarka u leeyahay Mahdi Maxamed Guuled, ujeedada ka danbysa in uu Mahdi sidan yeelo ayaa lagu qiimayn karaa laba arimood oo kala ah:

1.In uu xidhiidh toos ahi ka dhaxeeyo Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka iyo Xisbiga Wadani ee Somaliland oo hore loogu eedayn jiray inay Dawlada Somalia xidhiidh hoose kala dhaxeeyo taa badalkeedana canbaarayn iyo bahdil siyaasdeed loogu raadinayo Maxamed Cabdilaahi.

2.In Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (khaddar) oo ku cusub saaxada siyaasada Somalilandna shaqaale ka ahaa Gudidda Doorashooyinka Qaranka xilka uu hada hayaana ku wayn yahay ama aanu lahayn awoodii maamul ee Ra’iisal Wasaare ku Xigeen uu ku raadinayo magac inuu yidhaa waxaan kulan la qaatey Maxamed Cabdulaahi Cumar oo ah ruug cadaa siyaasadeed.

Sidoo kale waxaa arrintan isla markiiba siyaabo kala duwan uga jawaabay Xisbga Wadani, Marwo Faadumo Siciid oo lagu yaqaano aflagaadada Xisbiyada kale iyadoo si gaara u wareerta shaqsiyaadka iyo reeraha ayaa waxay kala saari waydey shaqada uu hayo Maxamed Cabdulaahi iyo qadiyadiisa shaqsiga ah ee uu kaga tirsan yahay Xisbiga Kulmiye.

waxaa la isla waafaqsan yahay inaanay hore u dhici jirin in marka siyaasi xilka laga qaado uu shaqo tago ee uu ku wareeri jiray canbaarayn iyo mucaaradnimo aan meel gaadhsiisnayn qofka siyaasiga ahna boog ku noqon jirtey siyaasadiisa muqstaqbalka iyo inuu hore u sii socdo, balse waxa sidaa si ka duwan u dhaqmey oo guud ahaanba Geeska Afrika iftiin ka soo ifbaxay noqdey Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Source Sayruuqnews

Hargeysa/Somaliland.