“Xukuumaddu ha Caddayso Mawqifkeeda, Xubnahanna Tallaabo hallaga qaado..” Faadumo Siciid

Hargeysa(Aftahannews):- Faadumo Siciid Ibraahin oo ka tirsan Saraakiisha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Muuse Biixi Hoggaamiyo ugu baaqday inay Bulshada u caddayso Mawqifka ay Qarannimada Somaliland ka taagan tahay, ka dib markii Xubno ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo Xilal ka soo qabtay Xukuumaddii Siilaanyo la sheegay inay Muqdisho tageen.

Faadumo Siciid oo arrimahaas iyo kuwo kale kala hadashay Warbaahinta qaarkeed, waxaannu Warkeeda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmial.com
Aftahannews.com
Somaliland/Somaliland.