Al-Shabaab oo Toogasho ka Fulisay Deegaanka Buq-Aqable ee Gobolka Hiiraan

Al-Shabaab
Al-Shabaab

Buq-Aqable(Aftahannews):- Wararka ka imanaya deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya goor dhaw Al-shabaab toogasho ku fuliyeen qof ay ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda.

AL-SHABAAB OO FAGAARE KU FULISAY DIL TOOGASHO AH 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Goobjogayaal ayaa sheegay in Ninkan oo lagu magacaabi jiray Sahal Axmed Rasle  ku toogteen meel fagaare ah. Boqolaal dadka ku dhaqan deegaanka Buq-Aqable ayaa isugu soo baxay fagaaraha lagu fuliyay toogashada.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Al-Shabaab fuliyaan Xukuno noocan oo kale ah balse tiro dhowr jeer ayaa waxa ay deegaano badan oo dalka ah ay ka fuliyeen Xukuno kala duwan.

Xigasho Hiiraan.com.