Sheekh Aadan-Siiro oo Digniin u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisa, kana Hadlay Halista Heshiisyada Imaaraadka Carabta

SHEEKH AADAN-SIIRO
SHEEKH AADAN-SIIRO

Hargeysa(Aftahannews):- Sheekh Aadan Xaaj Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro), ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisa u soo jeediyey inay ka fiirsato Heshiisyada aan sharciga ahayn ee ay Xukuumaddii hore ee Siilaanyo gashay, si gaar ahna isaga jirto Heshiisyada Imaaraadka Carabta iyo Xukuumaddaas dhex-maray ee Saldhigga Millateri Berbera lagaga siiyey, Maamulka Dekedda Berberana loogu wareejiyey Imaaraadka.

SHEEKH AADAN-SIIRO

 

 

 

 

 

 

 

 

Sheekh Aadan-Siiro, waxa uu arrimahaas iyo kuwo kale-ba, kaga hadlay Khudbaddii uu Salaaddii Jimcaha ee Maanta ka jeediyey Masjidka uu Tukiyo Jimcaha ee Xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa, waxaanannu idiinku soo gudbinaynaa Khudbaddaas Sheekha Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.