Wasiirka Biyaha Somaliland oo Shaaciyey inuu fashilmay Mashruucii Biyo Ballaadhinta Hargeysa, Marin-habaabinna ku eedeeyey Xukuumaddii hore

Breaking_news-5

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in aanu jirin Mashruuci biya ballaadhinta Caasimadda Hargeysi.

Wasiir Koore wuxuu sheegay in Mashuurcani Xukuumaddii tan ka horreysay ay siyaasadeysay, sidoo kale waxaa uu xusay in 14 ceel hal kilomitir laga wada qoday  taasina ay tahay ta keentay in  meesha ay ka baxdo biyihii ay dadku sugayeen

Wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo arrimahaas ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Dad badan waxaa looga dhigay inay biyaha cidi diiddan tahay, bulshadeennana si khaldan ayaa wax loogu sheegay, 14 ceel ayaa ka qodan 1-km iyo laba boqol oo Km, ceelkastana ugu yaraan waxa uu u baahan yahay  800-km, inuu ceelka ka kale u jiro.”                                         

“14-kaa ceela laba ceel awoodooda ayay noqonayaan, odhan maayo meesha biyo ma jiraan laakiin waa in aqoon danbe iyo ceelal danbe in dib looga fikiro sida loo wadi karo, markaa waala siyaasadeeyay biyahaa Xunba-weyne, oo ah si aan aqoontu taageerayn, iyada oo aanay  biyoba jirin ayaa dadka lagu jaha wareeriyay ma xaggan ayay ka baxeysaa mise xagan?” sidaa ayuu yidhi Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore.                                         

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com/Hargeysa.