Qoyska Reer Usama Bin-laadan Iyo Qoyska Boqortooyadda Sucuudiga Oo Madaxa Iskula Jira

Hargeysa(Aftahannews)- Xukuumadda Sucuudiga ayaa magacowday guddi la wareega maamulka iyo korjoogtaynta shaqo ee shirkadaha caanka ah ee Bin Laadin oo ay leeyihiin qoyskii Usaama Bin Laadin ka dhashay. Waxa aanu warku sheegayaa in xukuumaddu ay daraasaynayso suurtgalnimada in ay la wareegto qaybo ka mid ah raasamaalka shirkaddan oo uu guddoomiyaheedii muddo ka badan laba bilood xabsiga ku jiro.

Tallaabadan ayaa lagu macneeyey in ay tahay mid ay xukuumaddu ku doonayso in aanay istaagin shaqada shirkadda oo kaalin muhiim ah kaga jirta qorshayaasha horumarineed ee dalka ka socda, maadaama oo ay tahay shirkadda dhisme ee ugu weyn dalka Sucuudiga, dad ka badan 100 kun oo Sucuudi ahina u shaqeeyaan.

Bishii tobnaad ee sannadkii ina dhaafay ayaa ay boqortooyada Sucuudigu xabsiga u taxaabtay Bakar Bin Laadin oo ah guddoomiyaha golaha maamulka ee shirkadaha Bin Laadin iyo xubno kale oo isla qoyska ah, taas oo qayb ka ahayd dadaalka uu wiilka leh dhaxalka boqortooyada Sucuudigu ku sheegay in uu kula dagaalamayo musuqmaasuqa, waxa aana sida oo kale xabsiga loo taxaabay ganacsato kale oo waaweyn iyo masuuliyiin wasiirro iyo amiirro ku jiraan.

Masuuliyiin Sucuudi ah ayaa muddooyinkii u dambeeyey wada wada xaajood iyo ergeyn ay doonayaan in ay ku dhex galaan xukuumadda iyo daka xidhan oo ay dawladdu u sheeganayso lacago lagu qiyaasay 100 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah.

Shirkadaha Bin Laadin ayaa muhiimad gaar ah ka leh Sucuudiga, waxa aanay gacanta ku hayaan fulinta mashaariic dhisme oo isugu jira aqallo, warshado iyo goobo waaweyn oo dalxiis, kuwaas oo qayb ka ah qorshaha Sucuudigu ku doonayo in uu samaysto ilo aan shidaalka ahayn oo dhaqaale ka soo galo dalka.

Shirkadaha Bin Laadin, gaar ahaan qaybta dhismaha waxaa muddooyinkii u dambeeyey khasaare soo gaadhsiiyey dhaqaale yuurursiga dunida ka dhacay, oo hoos u dhigay mashaariicdii dhismaha, iyada dawladda boqortooyada oo u diidday qandaraasyadii ay siin jirtay ee dhismaha, intii ka dambaysay markii wiish ay shirkaddu leedahay oo xaramka Makah dhisme ka waday soo dumay sannadkii 2015 ka, isaga oo dilay 107 ruux oo xujaajtii sannadkaas ahayd.

Shirkadda waxaa bilowgeedii sannadkii 1931 kii aasaasay Sheekh Maxamed Bin Laadin oo ahaa Usaama Bin Laadin aabihii oo asal ahaan ka soo jeeday dalka Yemen, laakiin qaatay jinsiyadda Sucuudiga. Xidhiidh dhow oo uu la lahaa boqortooyada Sucuudiga ayaana u fududeeyey in uu qaato inta badan ee qandaraasyada dhismaha dalka. Dhimashadiisii kadibna waxa shirkadda oo ah mid qoys maamulkeedii sii wada tafiirtiisa.

Qosyka reer Bin Laadin ayaa kaalinta shanaad kaga jira qoysaska ugu maalqabeensan dalka Sucuudiga. Waxa aana raasamaalkooda lagu qiyaasay 7 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah.