Hambalyo Meher Farxad Leh: Liibaan Maxamed Ibraahin-Dheere iyo Cabdiya Abiib Timo-cad

HAMBALYO MEHER FARXAD LEH LIIBAAN MAXAMED IBRAAHIN DHEERE IYO NIMCO ABIIB TIMO-CAD

Gacal iyo Sokeeyaba Guurkiinna lagu Farax…. Guurkiinnu Guur Khayr, Gurigiinna Guri Negi Guulloow ka yeel..

Ayeeyo Sahra Aadan Qalinle iyo Carruurteeda oo kala ah; Maxamed Ibraahin Dheere, Xasna Ibraahin Dheere, Xasan Ibraahin Dheere, Foosiya Ibraahin Dheere, Ifraax Ibraahin Dheere, Amiira Ibraahin Dheere, Cali Ibraahin Dheere, Nimco Ibraahin. Dhammaan Qoyska Ilma Ibraahin Cabdi Kaahin (Ibraahin-Dheere) iyo Carruurtooda, Farduus Xaashi Cumar iyo Odeygeeda, Kawsar Xaashi Cumar, Odaygeeda iyo Carruurtooda, Walaalo Sahra Xaashi Cumar, Odaygeeda iyo Carruurtooda, Walaalo Ilhaan Xaashi Cumar, Wllo Cabdillaahi Xaashi Cumar iyo Xaaskiisa, Walaalo Maxamed Xaashi Cumar iyo Inantiisa, Walaalo Caasha Xaashi Cumar, Walaalo Mukhtaar Xaashi Cumar, waxay Hambalyo iyo Bogaadin aan la soo koobi karin Hawada u marinayaan;

HAMBALYO MEHER FARXAD LEH LIIBAAN MAXAMED IBRAAHIN DHEERE IYO NIMCO ABIIB TIMO-CAD

Liibaan Maxamed Ibraahin-Dheere

Iyo

Cabdiya Abiib Diirye (Abiib-Timo-cad)

Oo Meherkoodu Isniintii oo ay Taariikhdu ahayd 01-da, Bisha 1-aad sannadkan 2018-ka, ka qabsoomay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa. Waxaanay Allaah ha uga baryayaan inuu ka dhigo Lammaanihii isku raaga ee Guri-galkooda ku gaadha, Bashbash, Barwaaqo, Farxad iyo Raynrayn, Wiil iyo Caano, Gabadh iyo Caano. Noqda Qoyskii lagu nastee lagu negaado, wada-jiree nabadgala. Aammiin……… Aammiin…..Aammiin.. Allaah ha aqbalo.