Taliska Booliska Somaliland oo Ka Hadlay Sababta Hargeysa loogu Xidhay Sheekh Dabcasar

TALISKA BOOLISKA SOMALILAND OO KA HADLAY SABABTA AY U XIDHEEN DABCASAR 2017

Hargeysa (Aftahannews)- Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa Xabsiga dhigay Sheekh Cabdiraxmaan Dabcasar oo toddobaadkii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Hargeysa, waxaana sababta loo xidhay ka hadlay Afhayeenka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi.

TALISKA BOOLISKA SOMALILAND OO KA HADLAY SABABTA AY U XIDHEEN DABCASAR 2017

Ninkan oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa caasimada Hargeysa ayaa waxa uu muuqaal uu iska soo duubay ku sheegay in ciidamada ilaalada u ah madaxwaynaha somaliland Kornayl Muuse Biixi Cabdi ay jidh dil u gaysteen,sidoo kalena waxa uu baraha bulshada ku kulanto ku baahiyay muuqaaloka dhan qaranimada iyo jiritaanka jamhuuriyada Somaliland.

Ninkan ayay ciidamada Booliska ka xidheen hudheel uu ka dagan yahay magaalada Hargeysa.  Afhayeenka ciidamada Booliska Somaliland gaashaale sare Faysal Xiis Cilmi ayaa sheegay in ciidamadu ay xabsiga u taxaabeen ninkaasi lagu magacaabo Dab-casar,loona haysto hadalo ka dhan ah qaranimada jamhuuriyada Somaliland.

Muuqaalkan Hoose ka Daawo Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland oo ka hadlaya sababta loo xidhay Dabcasar iyo Dembiga uu geystay ee uu ku eedeeyey iyo weliba waxa ay ka yeeli doonaan.

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.