Farmaajo oo Xabsiga Dhigay Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Qorshaha Dawladda Fashilantay

CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR OO MUQDISHO LAGU XIDHAY

Muqdisho(Aftahannews)- Ciidammada Ammaanka ee Dawladda Federaalka, ayaa xalay u dhacay oo xidhay siyaasi ka mid ah kuwa dhalliishan Siyaasadda Dawladda Soomaaliya, waxaana Amarka Xadhiggiisa bixiyey sida la sheeagy Farmaajo iyo Khayre oo Hoggaamintoodu u muuqato mid fashil ku dhammaanaysa.

CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR OO MUQDISHO LAGU XIDHAY

Cabdiraxman Cabdishakuur, ayaa Ciidanka Ammaanka ay xalay ka kaxeeyeen gurigiisa oo Magaaladda ku yaalla. Wax war ah oo ku saabsan xadhiga siyaasigan kama uusan soo bixin dowladda, balse waxaa jirtay in shalay Xeer-Ilaaliyaha guud ee Soomaaliya uu sheegay in baadhitaan lagu samaynayo siyaasiyiin uu ku eedeeyay inay Dowladda duminayaan.

 

Xeer-Ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jirto dacwad ka dhan ah labo xildhibaan oo baadhitaan lagu samaynayo.Siyaasigan xallay la weeraray ayaa ka mid ah ah rag dhaliishan siyaasada Dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa hore u soo noqday Wasiirka Qorshaynta iyo Musharrax Madaxweyne. Waxaa sidoo kale socda Qorsha kale oo lagu kordhinayo muddada markii la soo doorto Baarlamaanka iyo Madaxwaynaha ay xilka hayn karaan, taasi oo immika ah 5 sano, balse hadda la doonayo in laga dhigay 7 sano.

Khadar Jaamac Dirir

Aftahannews.com.