Kaka Oo Shaaciyay Inuu Ka Fadhiistay Kubadda Cagta

Ciyaaryahankii hore ee Xulka Qaranka Braziil iyo Kooxda AC Milan Kaka ayaa ku dhawaaqay in uu gebi ahaan soo gabagabeeyey ciyaarista kubada Cagta.

Kaka ayaa bartiisa Twitter-ka daqiiqado ka hor ku qoray in uu gebi ahaan isaga fadhiistay kubada Cagta mana sheegin waxa uu qaban doono xiliga xiga.

Kooxda AC Milan ayaa beryahan la hadal hayay in ay doonayso Kaka kana dhigayso maareeyaha ciyaaraha Naadigaas balse ma aannu cadayn in uu shaqadaas qaban doono isagana fadhiistay kubadda cagta.

Khadar Jaamac Dirir