Mo Farah Oo Ku Guuleystay Abaal-marinta BBC Ee Shaqsiga Ugu Wanaagsan Ciyaaraha

Hargaysa(Aftahannews)-Orodyahanka Caankaa ah ee Mo Farah ayaa ku guulaystay Abaalmarinta shaqsiga ugu wanaagsan dhanka ciyaaraha ee BBC sannadka 2017ka.

Mo Farah oo 34 sano jir ah ayaa markii saddexaad oo xiriir ah ku guulaysay billadda dahabka ah ee orodka 10,000 ee mitir.

Wuxuu noqonayaa qofkii u horreeyay ee Oroddada dhaadheer ka qaybqaata ee ku guulaysta abaalmarinta shaqsiga ugu wanaagsan Ciyaaraha tan iyo markii uu isla abaalmarintaas helay Paula Radcliffe sannadkii 2002.

Jonathan Rea ayaa kaalinta labaad galay halka Jonnie Peacock oo naafo ahna uu kaalinta saddexaas ka galay.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka