Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Ugaaska Guud Ee Beel-weynta Ciise Iyo Xubno Kamid Ah Gendaha Beeshaas

Hargeysa(Aftahannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta kulan gaar ah la qaatay ugaaska guud ee Beelweynta Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim iyo xubno kamid ah gole-dhaqameedka Gendaha loo yaqaanno ee ay beeshaasi caanka ku tahay.

Kulankan oo ka dhacay xarunta aqalka madaxtooyada Somaliland ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, iyada oo dhinaca kalena Ugaaska guud ee beel-weynta Ciise ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim ay dhinaciisa wehelinayeen xubno kooban oo kamid ah golaha dhaqanka beesha Ciise ee Gendaha loo yaqaanno.

Halkan hooe ka daawo muuqaalka warka