Heshiiska Ciyaaryahanka Mesut Ozil oo Dib u eegis lagu Samaynayo

Mesut Ozil iyo Ciyaaraha uu Kooxda u Saftay qaarkood

Aftahannews(Sports):- Tabobbaraha Kooxda Kubadda Cagta Arsenal ee Arsene Wenger, ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay Ciyaaryahanka Mesut Ozil inuu Qandaraaska u cusboonaysiiyo Kooxda.

Mesut Ozil iyo Ciyaaraha uu Kooxda u Saftay qaarkood

Heshiiska Ozil, ayaa dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana jira warar sheegaya in 29 jirkan laga yaabo inuu ka tago Emirates Stadium bisha January, halka Arsenal ay halis ugu jirto inuu xagaaga soo aadan ka tago xagaaga.

Si kastaba ha ahaatee, xiddigan ayaa qeyb ka ahaa xiddigeehe kala jaray kooxa Newcaste ka dib markii Arsenal ay 1-0 kaga badisay Newcastle United, Wenger ayaa aaminsan in xiddiga reer Germany inuu sii joogi doono kooxda“Waa wax cajiib ah, waa uu soo bandhigi karaa taas, waa muhim u ah inuu qatar ugu jiro inuu sameeyo waxa uu sameeyay” ayuu Wenger u sheegay suxufiyiinta“Sida caadiga ah waa nin, 99% waqtigaas, booskiisa, wuxuu xakameynayaa kubada waxaana uu siinayaa qof kale, sidaas darteed waan ku faraxsanahay inuu khamaarka ku dhammeeyay, waana ku faraxsanahay sidoo kale wuxuu dhaliyay Gool aad u muhiim ah.

Khadar Jamac Dirir

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.