Dagaalka Internet-ka oo ka dhex Qarxay Labada Kuuriya

LABADA KUURIYA OO WEERARRO INTERNET-KA AH ISKU QAADAY 2017

Pyongyang(AFN)- Hay’adda ka hortagga Mukhadaraadka ee Kuuriyada Koonfureed, ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay u muuqato inay ka dambeysay Weerar dhinaca Internet-ka ah oo lagu soo qaaday, isla markaana ay masuul ka noqon karto Budhcadda jabsatay aalad casri ah oo lagula socdo dhaqdhaqaaqa Maaliyadda Kuuriyada Koonfureed.

LABADA KUURIYA OO WEERARRO INTERNET-KA AH ISKU QAADAY 2017

Ugu yaraan toddobo milyan oo Doollar oo ku jirtay Aaladda casriga ee maaliyadda, ayaa la sheegay in ay xadeen burcada wax jabsatay.Hay’adda sirdoonka qaran ee Kuuriyada Koonfureed waxa ay sidoo kale sheegtay in tuugada ay jabsadeen macluumaad gaar ah oo ay la haayeen sodon kun oo qof oo lacagaha kala baxay aalada casriga ee suuqa ugu weyn Kuuriyada Koonfureed.

Khubaradda ka faaloota arrimaha budhcadda wax jabsata ayaa sheegaya in laga yaabo in budhcadda Kuuriya Waqooyi ay bartilmaameedsatay suuqayadan casriga ah si ay uga fogaaato cunaqabteynada maaliyadeed ee loogu soo rogay horrumarinta barnaamjikeeda hubkaniyuuklerka ee ay ku howlan tahay.

Khadar Jaamac Dirir

Aftahannews.com.