Sports: Xidhiidhka Kubbadda Cagta ee FA-ga oo Mourinho Ka Codsaday inuu Sharraxo Kalmado Ka Soo yeedhay

JOSE MOURINHO 2017

Aftahannews(Sports):- Tabobbaraha Naadiga Manchester United, Jose Mourinho, ayaa laga codsaday inuu sharaxaad ka soo bixiyo, weedho afkiisa ka soo baxay ka hor ciyaartii Derbiga Manchester ee ay Axadii kooxda City guul darada ugu xambaarisay naadiga uu horjoogaha u yahay.

JOSE MOURINHO 2017

Xidhiidhka kubadda cagta wadanka Ingiriiska ee magaciisa loo soo gaabiyo “FA” ayaa Mourinho ka dalbaday, inuu sharaxaad dheeraad ah ka soo bixiyo, wixii uu ula jeeday, hadalkii ahaa ” Aniga la iima ogolaan lahayn inaan siyaasad ka hadlo aanoo garoonka dhex jooga.”

Hadalkaas oo uu ula jeeday tabobbaraha dhigiisa ah ee Manchester City, Pep Guardiola, kaas oo la wariyey inuu astaanta calaamada u ahayd kooxaha u ol-olaynayay gooni isu taaga gobolka Catalonia, Spain.

Khadar Jaamac Dirir

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.