Fannaanad Caan ah oo Xabsi Ku Mutaysatay Muus ay Si Anshax-daran u Cuntay

FANNAANAD XABSI LOO DHIGAY MUUS AY SI ANSHAX-DARRO AH U CUNTAY 2017

Hargeysa(Aftahannews)- Shaimaa Axmed, waa Fannaanad ka caan ah dalka Masar, da’deeduna waa 25 sano jir ah. Waxaase la xidhay ka dib markii muuqaalkeeda uu ka dhashay cadho iyo dhalliil kaga imaaneysay Shacabka dalka Masar oo u badan Muslimiin.

FANNAANAD XABSI LOO DHIGAY MUUS AY SI ANSHAX-DARRO AH U CUNTAY 2017

Salaasadii ayaa lagu helay dembi ah in ay anshax xumo faafineysay iyo baahinta muuqaal aan wanaagsanayn, sida warbaahinta gudaha dalkaasi ku warrameen, soo saaraha muuqaalka ayaa sidoo kale lagu xukumay laba sanno, isagoo ka maqnaa maxkamadda.

Shayma Ahmed ayaa raali gelin ku bixisay barteeda facebook  in kasta oo hada hawadda laga saaray waxanay tidhi “Kuma fikirin in waxaan oo dhan inay dhacayaan oo aan la kulmayo weerar sida oo dhan u xoog badan oo qof kaste iiga imanaya,”

Sannadkii tagay, maxkamado ku yaalla Masar ayaa saddax dumar oo qoob ka ciyaar sameeya ku xukuntay min lix bilood oo xabsi ah, ka dib markii lagu helay dembi ah in dareen kicin ah ku sameeyeen muuqaal hees oo laga duubay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.