Socotaye, Haku Khaatumo Seegin Ku Gabbood-falka Sharciga iyo Warbaahinta Madaxa-bannaan!

KULANKA SIILAANYO IYO XUKUUMADDIISA XILKU KA DHAMMAADAY 2017 (9)

Xukuumadda Siilaanyo  Yaanay ku Khaatumo  Seegin  ku Gabood-falka Sharciga Iyo Warbaahinta Madaxa-bannaan. Bisinka Alle iyo tiir bir ah ayeynu cuskanay, rabbina waa inna garan-siiyey, intaas aynu raacinno. Illaahayow na nabad-geli oo adigu tubta kheyrka leh na waafaji, Xukuumaddeennan sii socotanna ee Shar badanna harraatiddeeda naga du’ oo  xaqa garan-sii, ta soo socotanna toobiyaha san noogu haaji.  Intaasi waa iga Duco iyo aarraar.

KULANKA SIILAANYO IYO XUKUUMADDIISA XILKU KA DHAMMAADAY 2017

21-kii bishan aynnu ku jirno ee November oo ku beegnayd Maalin Isniin ah gelintii danbe, abbaaro 4:00 galabnimo, waxay Guddiga doorashooyinka Somaliland ku dhawaaqeen Natiijadda doorashaddii loo dareeray 13-kii  bishan November oo iyadduna ku beegnayd Maalin Isniin ah.

Doorashaddaas waxa ku guulaystay oo loogu dhawaaqay Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo noqday Madaxweynihii Shannaad ee Somaliland yeelato.

21-kii November oo maxsuulka doorashada la shaaciyay, waxaannu baahinnay qoraallo dhawr ah oo aannu ku eeggaynay Xaaladda doorashadda, natiijadda lagu dhawaaqay iyo darreenka ay bulshadu  ku qaabilleen gobollada Somaliland intoodda badani. Wararkaasi Cay, Collaad iyo Cunfi midna may xambaarsanayn, wax la dhibsaddaana kumaya jirin, waxase ay gudbinnayeen oo ay ka  turjumayeen xaqiiqda ka jirtay dharaartaas gobolladeenna qaarkood, waxaan-se qabaa haddii laga tagi waayo oo ciddiba ka cabato inay jiraan dariiq iyo hannaan loo maro cabashadda Warbaahinta Somaliland.

Waxaan ogahay in wararkii iyo warbixinnadaas  ciddi dhibsatay oo ka xumaatay, balse iyadoon dariiqii sharciga ahaa soo marin ayay qaaday talaabo aan ku habboonayn sharciga saxaafadda iyo xaquuqda xorriyatul-qawlka.

Waaggii la joogaba wixii soo kordhaa la isu weriyaaye akhristayaal 23-kii bishan aynu ku jirno oo ahayd Khamiistii toddobaadkii hore ayaa shirkaddaha bixiya adeega Internetku ay xayirraad saarreen Warbaahinta caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ama Hadhwanaag Tv, waxaanna Amarka xiyirraadaas bixiyay Maxkamadda gobolka Hargaysa, sida ay noo xaqiijiyeen Shirkaddaha bixiya addeega Internetka qaarkood, iyadoo aan Maamulka Shabakadda Hadhwanaagnews la soo war-gelin ayaa uu qaraarkani Maxkamadda gobolka Hargaysa ka soo baxay, isla markaanna aan lagu caddayn qoddobada loo cuskadday Xayirraadan.

Warbaahintu waxay kaalin wayn ka qaadataa koboca bulshada, dardar-gelinta hawlaha Ummadda, waxay xakamme u tahay oo tooshka ku  iftiimisaa waxqabadka taban ama togan ee hadba xukuumadda markaas awooda gacanta ku haysaa la shir timaado, waxay soo gudbisaa darreenka mujtamaca, waxay  kaalin wayn ku leeddahay dedaal kasta oo Horumarinneed, waxay hoggo-tusaalaysaa Maamulka wanaagsan iyo geeddi socodka Dimuqraadiyadda, waxay muujisaa oo soo bandhigtaa fikirka toolmoon ee dadweynaha. waa meel uu qofkastaaba aragtiddiisa ka dhex arko, waxay kaalin-gelisaa  garaadka bulshada, hase-yeeshee waxa jira shaqsiyaad aragtidaa ka soo horjeedda oo Ceeb iyo meel ka dhac u haysta haddii Warbaahintu soo hadal qaaddo hawlaha ay gacanta ku hayaan ee maamul ha noqoto xafiis dadweyne oo xilkiisa uu duudka ku qaaday ama  xarakaad ganacsi gaar loo leeyahay oo dalka saamayn ku leh’e, iyaddoo ujeeddadoodu  tahay inay  dabar la’aan socdaan.

Sidaas darteed, waxaa loo baahan yahay in maamul xumada dawladeed ee dalka ka jirtaa aannay  nusqaamin milgaha maxkamadaha sharciga ah ee dalka ka jira oo aanay u yeedhin awaamiir baadil ah oo facaa’il ahaan u muuqda in si gurracan loogu gabood-falayo awoodihii dawladda.

Waxaannu mar kale maamulka sare ee shabakadda Hadhwanaag ummadda u iftiiminayaa in aanay jirin khaladaad iyo gefaf aanu galnay oo sababi kara in la xayirro shabakada Hadhwanaagnews oo ah mid ay ku xidhan yihiin bulshada Somaliland oo dhan dal iyo dibadba. Waxa kaloo aanu xukuumadda u soo jeedinaynaa inaanay ku xad-gudbin xeerka saxaafadda ee dhaqan-galka ah iyo shuruucda dastuuriga ah ee sida cad u damaanad qaaday xoriyatul-qowlka.

Editorhadhwanaag@gmail.com

Hadhwanaagnews,Office

Hargaysa,Somaliland.