Gabadh Caan ah oo Qiso Murugo badan oo Abbeheed Kula Kacay ka Sheekaysay!

Jelena Dokic oo ka sheekaysay Murugo Aabbeheed kula kacayey muddo dheer 2017

Aftahannews(Sports):- Jelena Dokic oo asal ahaan ka soo jeedda Yugoslavia, hase-yeeshee haysata dhalashada Australia, ayaa ka sheekaysay dhacdooyin xanuun badan oo ay deris u ahayd intii ay ku jirtay Xirfadda Kubbadda Tenniska.

Jelena Dokic oo ka sheekaysay Murugo Aabbeheed kula kacayey muddo dheer 2017

Jelena Dokic oo muddo 16 sannadood ah ka mid ahayd dadka ugu saamaynta badan Kubbadda Tennis-ka ee dhinaca Haweenka, ayaa sannadkii 2000, waxay gaadhay Semi-finalka tartanka Wimbledon.

Hase-yeeshee, farxaddii ay ku dareemi lahayd garoomada, dhoolla-caddaynta iyo dammaashaadkii laga arki lahaa marka ay guulaha gaadho, ayaa ay taageereyaashu ka waayi jireen, waxaana taas ay kaga sheekaysay Buug ay ka qortay nafteeda iyo waayaheeda.

Jelena Dokic waxay Buuggeeda ku sheegtay in Aabbaheeda oo tabobbare u ahaan jiray uu kula kici jiray ciqaab adag oo maskax ahaan iyo jidh ahaanba u saamaysay, taasina ay wiiqday nolosheeda, hoosna u dhigtay guulihii ay gaadhi lahayd. Waxay Buuggeeda ku qortay in aabbaheed uu cadaabi jiray, suun maas ahna uu la dhici jiray, taas oo ay u dheerayd inuu gadhka ka laadi jiray oo ay dhiig tufi jirtay.

Haweenaydan oo ka fadhiisatay ciyaaraha, da’deeduna tahay 34 jir, ayaa ah tababare wakhtigan, waxaana buugga ay qortay oo murugo ku abuuray dadka ay si taxane ah ula wadaagtaa BBC World Service, marnaamijka lagu magacaabo Sportshour. Aabbaheed ayaa la sheegay in sannadkii 2000 lagu xidhay waddanka Ingiriiska, wakhtigaas oo ay dacwad ka gudbisay.

Khadar Jaamac Dirir

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com/Hargeysa.