Antonio Conte Muxuu Ka yidhi Sababta uu Gadhka u Xiiri waayeyy?

Antonio Conte

Aftahannews(Sports):- Macallinka Kooxda Kubbadda Cagta Chelsea Antonio Conte oo shir Jaraa id qabtay Jimcihii Maanta, ayaa shaaca ka qaaday sababta uu u xiiri waayey garkiisa kaas oo uusan xiirin ilaa bishan badhtamaheeda.

Antonio Conte

e ayaa sheegay in Xaaskiisu u sheegay in aannu xiirin Gadhka haddii uu doonayo in uu gaaro Guulo isdaba joog ah tan iyo intii uu ka ogolaadayna aan laga badin kooxdiisa sidaa daraadeed ayuu u xiiri waayay gadhkiisa.

Ninkan 48 Sano jirka ah ee u dhashay dalka Talyaaniga ayaa isku diyaarinaya kulan adag oo uu maanta fiidka hore la ciyaari doona kooxda Liverpool markale ayuu imaan doonaa Garoonka isaga oo aan xiirin gadhkiisa kaas oo uu ku doonayo in uu guul kaga gaadho ciyaarta adag ee Liverpool.

Khadar Jaamac Dirir

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.