Shaxda Sidii Xisbiyadu ugu Kala Guulaysteen Codka Gobollada Somaliland

Hargeysa(Aftahannews)- Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa shalay munaasibad ka qabsoontay xaruntooda magaaladda Hargeisa ku shaaciyey natiijadda doorashada madaxtooyadda ee dalka ka dhacday 13-kii November ee sanadkan, taas oo sheegeen inay ku guulaysteen musharixiinta xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdillaahi (Saylici).

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa natiijada hordhaca ah ku dhawaaqay, kaas oo si qoto-dheer uga warbixiyey qaabkii ay doorashada u qabteen iyo waxyaabihii ay la kulmeen mudadii ay gacanta ku hayeen tirinta codadka iyo sidii ay xaliyeen cabashooyinkii xisbiga WADDANI.

Mr Iimaan waxa uu tibaaxay inay codadkii ay dhiibteen muwaadiniinta Somaliland inay ku guulaysteen cod aqlabiyad ah musharixiinta xisbiga KULMIYE oo sida uu sheegay helay 305909, taas oo u dhiganta 55.19%, halka uu xisbi WADDANI helay 226092, taas oo u dhiganta 40.73%, isla markaana xisbiga UCID yaa isagu helay 23141, taas oo boqolay u dhiganta 4.17%.

Sidoo kale Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame waxa uu sheegay inuu xisbiga KULMIYE dheeryahay xisbiga Waddani codad dhan, marka la kala jaro tirooyinka ay kala heleen labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI waxa uu xisbiga KULMIYE dheeryahay oo guushu ku raacday codad tiradoodu dhan tahay 79,817 (toddobaatan iyo sagaal kun, siddeed boqol iyo toddoba iyo toban cod).

Dhinaca kale halkan hoose ka daalaco Shaxda codadka ay saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID kala heleen lixda gobol ee Somaliland ee Awdal, Maroodi-Jeex, Togdheer, Sool Iyo Sanaag:-

Xigasho Warsugan.