Madaxweyne Siilaanyo Muxuu Ka yidhi Guusha Madaxweynaha uu Xilka Ku Wareejin Doono?

MADAXWEYNE SIILAANYO OO KHUDBADAYNAYA IYO MUUSE BIIXI OO GARAB-TAAGAN 12 SEPTEMBER 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland ee shaqada ka tegaya Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi oo uu xilka ku wareejin doono bil gudeheed marka la dhaariyo ka dib.

MADAXWEYNE SIILAANYO OO KHUDBADAYNAYA IYO MUUSE BIIXI OO GARAB-TAAGAN 12 SEPTEMBER 2017

Qoraal caawa ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, ayaa Xambaarsana Hambalyada iyo Ducada Madaxweynaha shaqada ka tegayaa u diray Madaxweynaha Xilka kala wareegi doona ee maanta lagu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday 13-kii bishan, kaas oo xalay Nuqul ka mid ahi soo gaadhay caawa Warbaahinta Aftahannews.com, wuxuu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Xukuumadiisa iyo magaca ummadda Somaliland wuxuu Hambalyo iyo bogaadinba u dirayaa Madaxweynaha Cusub ee la doortay Mudane Muse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Mudane Cabdiraxman Cabdillaahi Saylici.

Madaxweynuhu wuxuu Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye ee ku Guulaystay tartankii Doorashada Madaxtooyada ALLAH uga baryayaa inuu ku asturo xilkaa iyo Masuuliyadaa culus ee ay ummadda u qaadeen. Madaxweynuhu wuxuu Madaxweynaha la doortay kula dar-daarmay inuu ummadda JSL mideeyo isla markaana uu si cadaalad ah ugu xaq-sooro. Ha ogsoonaado inuu Madaxweyne u yahay kuwii isaga u codeeyey, kuwii aan u codaynin iyo kuwii ka aamusayba.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu hambalyo, ammaan iyo ducoba u diray labada Xisbi Qaran ee UCID iyo WADDANI iyo taageerayaashooda sidii quruxda badnayd ee ay uga qayb qaateen tartankii Doorashada Madaxtooyada.

Madaxweynaha JSL waxa kale oo uu Masuuliyiinta labada Xisbi Ee UCID iyo WADDANI ku bogaadiyey bisaylka siyaasiga ah iyo masuulnimada ay muujiyeen taasoo ay ku aqbaleen kuna qanceen natiijadii ay Komishanka Doorashooyinka Qaranku ka soo saareen Tartankii Doorashada Madaxtooyada ee Dalkeena ka qabsoontay 13.11.2017.” sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Madaxtooyada ka soo baxay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.