UN Monitoring oo Soo Saartay Warbixin ay Diiradda Ku Saartay Heshiiska Saldhiga Berbera iyo Dp World ee Somaliland iyo Imaaraadka

BAASHE MOORGAN IYO KOOXDA UN MONITORIN GROUP 2017

Hargeysa(Aftahannews)- Kooxda UN Monitoring Group, ayaa warbixinteedii sannadlaha ahayd oo la soo daayay toddobaadkan dhammaaday waxa ay qaybo ka mid ah kaga hadashay Somaliland, gaar ahaan saldhiga milatari ee Imaaraadka laga siiyay Berbera iyo heshiiska ay DP world kula wareegtay dekedda Berbera.

BAASHE MOORGAN IYO KOOXDA UN MONITORIN GROUP 2017

Warbixinta waxa lagu sheegay in codayntii ay golaha wakiiladu ku ansixiyeen heshiiska DP world iyo weliba codkii ay labada gole Baarlamaan ku meelmariyeen heshiiska saldhiga milatari ee UAE ee Berbera ay banaanka u soo saareen walaac musuq-masuq oo laga qabo in si khaldan loo isticmaalo hantida qaranka. Warbixinta waxa lagu sheegay in Imaaraadka Carabtu uu wakiilka Somaliland ee UAE Baashe Cawil oo uu madaxweyne Siilaanyo soddog u yahay ay soo mariyeen 5 milyan oo dollar oo ku socotay wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aaden taas oo lagu sheegay inay tahay horumarinta 15 Milyan oo dollar oo ah kharashka kirada dekedda Berbera. Warbixinta waxa lagu ladhay sawir ay Wasiir Samsam Cabdi Aaden oo guddoomiyaha Baanka Maxamed Cabdi ku wareejinaysa lacag shan milyan oo dollar ah.

Warbixinta waxa lagu sheegay in xildhibaanadii ansixiyay heshiiska dekedda Berbera la siiyay min 15000 oo dollar (Shan iyo toban kun oo dollar), iyadoo xildhibaanada mucaaradka ah ee Waddani ay warbixintu sheegtay in loo soo mariyay guddoomiye-xigeenkii wakhtigaas Baashe Maxamed Faarax. Sidoo kale ansixintii saldhiga Milatari, waxa xildhibaan kasta la siiyay min 10,000 oo dollar (Toban kun oo dollar xildhibaankiiba.]

Waxa warbixinta lagu sheegay in 9 May 2016 in ergo ka socotay Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu heshiis isfaham kala saxeexdeen kaas oo ku saabsanaa dekedda Berbera. Warbixintu waxay sheegtay in sida heshiiska ka muuqatay ay DP world horumarin ku samayn doonto dhulka suuqa xorta ah ee Berbera, maalgashi iyo horumarina ku samayn doonto dekedda sidoo kale ay dawladda Somaliland ka taageeri doonto dhismaha jidka Berbera ku xidha xuduudka Itoobiya. Waxa kale oo warbixinta lagu soo qaaday sida ay DP world iyo dawladda Somaliland u kala leeyihiin saamiga heshiiska dekedda Berbera.

Warbixinta oo ka hadlaysa fadhigii golaha wakiilada ee lagu ansixiyay heshiiskii Dekedda Berbera ay DP world kula wareegtay waxa lagu yidhi “9 August 2016, golaha wakiilada Somailland ayaa shir ku yeeshay Hargeysa. 73 xubnood ayaa goob-joog ahaa, sagaal xubnood ayaana ka maqnaa fadhiga. Guddoonkii golaha ayaa xildhibaanada ku wargeliyay in madaxweynuhu uu DP world u doortay inay horumarin ku samayso dekedda Berbera. Xildhibaanada waxa lagu wargeliyay in DP world ay soo bixisay 5 milyan oo dollar oo ah wejiga hore ee 15 milyan oo dollar oo ah kharashka wareejinta dekedda, taas oo ay wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan u soo marisay wakiilka Somaliland ee Imaaradka Baashe Cawil oo ah wiil uu madaxwenuhu soddog u yahay.”

Warbixintu waxay intaas raacisay “Waxa kale oo markaas lagu dhawaaqay in dhammaan xildhibaanada mashruucan taageera la siin doono midkiiba 15000 oo dollar. Codkii la qaaday wuxuu ku ansaxay 69 xildhibaan oo ogolaaday iyo afar ka soo horjeestay. Xubnaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani waxay kooxdan UN Monitoring u sheegeen in qaybtooda loo soo mariyay Baashe Maxamed Faarax oo ah gduoomiyex gigeenka golaha wakiilada.”

Warbixinta UN Monitoring group oo ka sii hadlaysa fadhigii labada gole ee uu guddoominyay guddoomiyaha golaha guurtida ee lagu ansixiyay saldhiga Milatari ay tidhi “12 February 2017., waxa labada aqal ee baarlamaanka [guurtida iyo wakiilada] loo qabtay fadhi lagaga wada hadlayay saldhiga milatari ee Imaaraadka Carabta ee Berbera. Guddoomiyaha Guurtida Saleban Maxamuud Aaden ayaa hagayay fadhiga. Wuxuu xildhbaanada ku wargeliyay in madaxweynuhu golaha soo hordhigay codsi ah inay ansixiyaan saldhiga milatari ee Imaaraadka Carabta. Ka hor cod qaadista, siddeed xubnod oo Waddani ah oo ka soo horjeestay heshiiska ayay ciidamada ammaanku si cad uga saareen dhismaha baarlamaanka. waxaanu codkii noqday 144 ansixiya iyo laba ka soo horjeestay. Xildhibaanadii u codeeyay saldhiga milatari, waxa la siiyay min 10,000 oo dollar [toban kun oo dollar]. Baashe Maxamed Faarax ayaa mar labaad u qaybiyay xubnaha Waddani lacagtii.”

Warbixinta UN Monitoring group waxay sheegtay in labadaas fadhi ee lagu ansixiyay dekedda Berbera iyo saldhiga Milatari ay banaanka soo dhigeen walaaca laga qabo in hantida qaranka si khaldan loo isticmaalo “Marka lagu daro raadadka ka dhalan kara cunaqabataynta hubka, waxaa dheer, in labadaas codaynood ay kor u soo qaadeen walaacii la xidhiidhay musuqmaasuqa iyo suurtogalnimada in si qaldan loo isticmaalo ilaha dhaqaalaha ee dalka.” sidaas ayay tidhi warbixinta UN Monitoring group.

Warbixinta UN Monitoring waxa lagu sheegay in Intii ay kooxdani ku jirtay socdaaladooda Somaliland ay bishii May ee sannadkan la kulmeen mid ka mid ah wasiirada culus ee xukuumadda Somaliland kaas oo aanay magacaabin, balse kooxdan u sheegay in dawladda Somaliland ay u ogolaatay Imaaraadka Carabta inay dib u habayn ku sameeyaan madaarkii hore ee Berbera si ay ugu shaqaystaan saldhiga milatari ahaan, kaas oo ay diyaaradaha ciidamada ee Imaaraadka oo qudhi isticmaali karaan muddo 25 sannadood ah. Wuxuu masuulkani ku wargeliyay SEMG in saldhiga loo isticmaalayo kormeerka badaha si loola dagaalamo budhcad badeeda, loona isticmaali doonin weeraro. Waxase taas ka soo horjeeda masuul labaad oo sare oo ka trisan xukuumadda oo si cad u sheegay in saldhiga ay Imaaraadku u isticmaali doonaan tababar, sahan iyo hawlgalada milatari ee Yemen.

Waxay warbixintu soo bandhigtay sawiro lagu qaaday dayax-gacmeed, waxaanay tidhi “Sawirro dayaxgacmeedku qaaday oo la helay intii u dhexeysay bishii Diisambar 2016 iyo bishii Sebtembar 2017 ayaa muujinaya in meel ugu badnaan 2 Kiiloomitir dhinaca woqooyi ka xigta dhabbaha diyaaradaha ee madaarka Berbera ay ka socdaan dhismeyaal iyo kaabeyaal rasmiya oo cusub. Waxaa ka mid ah kaal (rugta markabka lagu soo xidho marka aanu shaqada ku jirin) xeebta ku yaalla.”

XIGASHO WARGEYSKA GEESKA AFRIKA