Hargeysa: Dhalinyaro Si Adag isugu Qabtay Xafiiltanka Siyaasadeed ee Xisbiyada ay kala Taageeraan oo Is-Toogtay

NIN QORI SITA OO NIN KALE TOOGTAY

Hargeysa(Aftahannews):- Laba Wiil oo Dhallinyaro ah oo reer Hargeysa ah ayaa ka dib markii ay isku qabteen Xafiiltanka Xiisadaha Siyaasadeed ee dalka ka jira, gaar ahaanna u dhexeeya labada Xisbi ee ay kala taageersanaayeen ama midkoodba mid taageersanaa, waxaanay isu adeegsadeen rasaas sababtay dhaawac.

NIN QORI SITA OO NIN KALE TOOGTAY

Sidaas waxa xaqiijiyay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo shalay isaga iyo Wasiirro kale Dad ku dhaawacmay Rabshadihii doorashada ka dhashay ee ka dhacay Habeenkii Jimcaha magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ku booqdeen Cusbitaalka guud  ee magaalada Hargeysa.

Labada Wiil, ayaa sida ay wararku sheegeen waxay isku af-dhaafeen xaaladda siyaasadeed ee doorashada ka dhalatay, waxaana mid ka mid ah uu markii dambe soo qaatay Qori isagoo rasaas la beegsaday Wiilkii ay murmeen oo isna la sheegay inuu marka hore Budh ku dhuftay.

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi oo ka hadlaya dhacdada labadaa Wiil ee mid dhaawaca yahay kala qabsatay, waxa uu yidhi; “Hal qof oo rayid ah oo nin dhalinyaro ah oo aannu ku soo booqnay cisbitaalka qaybta adeega deg-dega ah, waxa dhaawacay wiil dhalinyaro ah oo ay arrimaha siyaasada isku qabteen, laba taageere ayey ahaayeen oo laba xisbi ah, dagaal iyo muran ayaa dhex maray, midkii kale ayaa toogtay oo isna waa xidhan yahay.”

Sidoo kale, wuxuu Wasiirka Madaxtooyadu sheegay in rabshadihii ka dhacay Burco iyo Hargeysa ay ku dhaawacmeen 18 askari oo mid ka mid ah laga soo toogtay guri, waxaanu yidhi; “18 Askari waxa lagu dhaawacay dhagxaan, waxa jira hal askari oo xabad lagu dhaawacay oo aqal laga soo toogtay oo adinka ay xabadaasi kaga dhacday, dhammaan askartaasi way ladan yihiin, waxa kale oo dhaawac ah sagaal qof oo rayid ah kuwaas oo sideed ka mid ahi ay ku dhaawacmeen rabshadaas ay ciidamada amniga iskaga hor imaadeen.”

Geesta kale, Waxa isna Cisbitaalka international ee Hargeysa yaal Wiil 13 jir ah oo ay Xabbadi dhabarka kaga dhacday rabshadihii Burco, kaas oo ay xabbaddii dhabarka fadhido sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ay isaga iyo Murrashaxa Madaxweyne ee Waddani Cabdiraxmaan-Cirro xalay Cusbitaalka ku booqdeen, sida uu Baahiyey Wargeyska Geeska Afrika Caddadkiisii Axaddii Maanta soo baxay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.