Murrashax Faysal Cali Waraabe Muxuu Ka yidhi Doorashadii Dalka Ka dhacday 13-Kii Bishan November?

Hargeysa(Aftahannews)- Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay doorashadii dalka ka dhacday 13-kii November sannadkan 2017, waxaanu sheegay in Cod-bixinta doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee weli Muranku ka taagan yahay qalad galay, isla markaana Natiijadeeda laga sugayo Guddiga doorashooyinka.

MUSHARRAX FAYSAL CALI WARAABE OO KA HADLAY QALADAADKA DOORASHADA MADAXTOOYADA HADHEYEY 2017

Waxa uu Musharrax Faysal Cali Waraabe sidaa ku sheegay Hadal uu xalay ka jeediyey Munaasibad lagu casuumay Saddexda Musharrax ee doorashada Madaxtooyada Somaliland ku tartamay ama Casho Sharaf Hargeysa ay ugu sameeyeen Madaxweyne Ku-xigeennadii hore ee Somaliland Somaliland soo maray qaarkood.

Musharrax Faysal oo arrintaas iyo arrimo kale oo doorashada iyo qaabkii loo galay ama ay u dhacday iyo waxa ka dib qaldamay ee is-beddelay iyo sida Cidda laga helaa doorashada u qanci karto ka hadlaya, aannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.