Madaxweyne Siilaanyo Walaalkii oo Ku Baaqay in Dalka laga Badbaadiyo Afar Wiil oo Burbur la Maaggan

SIYAASI DAAHIR WARSAME YUUSUF OO WALAALKII SIILAANYO IYO SALEEBAAN-GAAL BAAQ CULUS U DIRAY 2017

Burco(Aftahannews):- Madaxweyne Siilaanyo Habar-wadaaggii Rumaad, ayaa ka hadlay Xaaladda maanta Somaliland soo food-saartay iyo masuuliyadda iyo waajibaadka looga baahan yahay inay la yimaaddaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan-Gaal oo ku kala fadhiya labadii Kursi ee dalka ugu sarreeyey.

SIYAASI DAAHIR WARSAME YUUSUF OO WALAALKII SIILAANYO IYO SALEEBAAN-GAAL BAAQ CULUS U DIRAY 2017

Siyaasi Daahir Warsame Yuusuf oo ay Habro-wadaag yihiin Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa Saleebaan iyo Siilaanyo ugu baaqay inay Caddaaladda iyo Xaqa u hiiliyaan, isla markaana Afar Wiil oo Somaliland Sumcaddeeda dilaya, dalka iyo dadkana burburin la raba ka badbaadiyaan oo ay Qarannimada, Midnimada, Wada-jirka, Nabadda iyo Walaalnimada Bulshada ilaaliyaan, Dalkana badbaadiyaan Maanta oo ay si cadaalad ah uga taliyaan doorashada Madaxtooyada ee 13-kii bishan dalka ka qabsoontay oo Xisbiga Waddani shaaciyey in Kulmiye ku Shubtay, Caddaymo kashifmayna uu soo bandhigay, Murankuna ka taagan yehey, Fadeexaddeeduna dul-hoganayso Guddiga doorashooyinka Somaliland.

Haddaba, Daahir Warsame Yuusuf iyo Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameed kale oo Shir Jaraa’id Maanta ku qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kana hadlaya arrimahaas iyo Masuuliyadda loo baahan yahay in lagu badbaadiyo dalka iyo dadka, cid gaar ahna loo eexan, waxaannu idiinku soo gudbinayna Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.