Midawga Afrika oo Baaq Ka Soo Saaray Suuqa iibinta Tahriibayaasha la Addoonsaday & Dalka laga Furay

SUUQA ADDOONSIGA EE LAGU KALA IIBSADO TAHRIIBAYAASHA QAARADDA AFRIKA 2017

Liibiya(Aftahannews):- Ururka Midowga Afrika, ayaa ugu Baaqay Masuuliyiinta Dalka Liibiya inay baadhis ku sameeyaan  Suuqyo Adoonsi oo la sheegay in Muhaajiriinta Madowga ah lagu kala iibsado oo ku yaalla gudaha waddanka Liibiya.

SUUQA ADDOONSIGA EE LAGU KALA IIBSADO TAHRIIBAYAASHA QAARADDA AFRIKA 2017

Baaqa Midowga Afrika, ayaa yimi ka dib markii Telefishinka CNN-ta ee dalka Mareykanka laga leeyahay laga sii daayey Muuqaallo naxdin badan oo muujinaya Dhalinyaro Afrikaan ah oo lagu kala iibsanayo Suuq Xaraash ah oo ku yaalla isla gudaha dalka Liibiya.

Sida ka muuqatay Muuqaalladaa, Dhalinyarada, ayaa laga iibinayey Dad ka soo jeeda dalalka Waqooyiga Afrika. Dhalinyaradaas, ayaa la sheegay in lagu kala iibsanayay lacag 400 oo dollar ah midkiiba si ey uga shaqeeyaan dhul beereed ku yaala meelaha ay ka soo jeedaan dadka iibsanayay.

Madaxweynaha Dalka Guine Alpha Conde, oo hadda ah Madaxa Ururka Midowga Afrika, ayaa Jimcihii dalbaday in baadhitaan la soo sameeyo, Ciddii ku lugyeelata falkan oo uu ku tilmaamay mid aad u fool xun oo laga soo min guuriyay waqtigii qadiimiga ahaa- sharciga lala tiigsado.

Dhinaca kale, dawladda Senegal, ayaa farriin ay soo dhigtay Bogga Faceboogga ku tilmaantay falkan mid naxdin badan oo ku soo kordhay Liibiya oo hore xarun ugu aheyd Dhibaateynta Dadka ka soo Jeedda Dhulka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, sida aannu ka soo xigannay Idaacadda VOA-da oo Warkan baahisay caawa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.con

Hargeysa/Somaliland.