Baarlamaanka Soomaaliya oo Sharci-darro ku Tilmaamay Go’aankii Qalbi-dhagax loogu Dhiibay Itoobiya

BAARLAMAANKA SOMALILAND OO XAARAAN KA DHIGAY DHIIBISTII QALBI-DHAGAX 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sharci-darro ku tilmaamay go’aankii Xukuumadda Soomaaliya ay Itoobiya ugu gacan-gelisay Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) bishii Agosto ee sannadkan.

BAARLAMAANKA SOMALILAND OO XAARAAN KA DHIGAY DHIIBISTII QALBI-DHAGAX 2017

Baarlamaanka oo maanta Fadhi ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale caddeeyay in jabhadda ONLF aanay ahayn mid Argaggixiso. Horraantii bishii Sagaalaad ee aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii baarlamaanka Soomaaliya uu guddi u saaray tallaabadii dowladda Soomaaliya ay Itoobiya ugu gacan gelisay sarkaalkan jabhadda hubeysan ee ONLF.

Dawladda Soomaaliya, ayaa hore u sheegtay in dhiibitaanka Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax uu ahaa mid loo maray sharciga, waxa ayna Qalbi Dhagax ku eedeeyeen in uu xiriir la lahaa ururka Al Shabaab oo uu amniga dalka lid ku ahaa.

Haseyeeshee Jabhadda ONLF iyo Al-Shabaab ayaa labaduba waxa ay beeniyeen eedeen in Qalbi Dhagax uu Shabaab ka tirsanaa. Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Qalbi Dhagax ku tilmaantay qof dambiile ah oo dambiyo kala duwan ka galay gudaha Itoobiya.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo la hadlay warbaahinta dowlad deegaankaasi ayaa sheegay in ninkaasi uu ahaa nin u dhashay dowladda deegaanka Itoobiya, kana mid ahaa booliiskii ugu horeeyay ee deegaanka, kadibna sida uu sheegay duurka la galay dhibaato uu sameeyay oo ay ka mid ahaayeen dil, dhac iyo kufsi.

Xigasho BBCSomali.com.