Musharrax Cirro oo Tanaasul Muujiyey iyo Warkii u dambeeyey ee Guddiga doorashada iyo Xisbiga Waddani

CABDIQAADIR IIMAAN IYO CABDIRAXMAAN-CIRRO 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbigaas, ayaa Maanta Saxaafadda Wada-jir ula hadlay, isla markaana shaaciyey inay wadahadal illaa shalay u socday guul ka gaadheen, kana heshiiyeen Dacwado iyo Cabashooyin Xisbigu ka muujiyey Sanaaduuqda Cod-bixintii doorashada Madaxtooyada ee 13-kii bishan dalka ka qabsoontay, kuna heshiiyeen in dib loo tiriyo kuwa degmooyinka Hargeysa iyo Gabiley.

CABDIQAADIR IIMAAN IYO CABDIRAXMAAN-CIRRO 2017

Waxaannu Shir Jaraa’id oo ay Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro iyo Guddoomiye Cabdiqaadir Iimaan ku wada qabteen maanta Xarunta Guddiga doorashooyinka ee magaalada Hargeysa iyo waxay ka yidhaahdeen, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.