Musharrax Cirro oo Ka Hadlay Halkay Marayso Xiisaddii Xisbiga Waddani iyo Guddiga doorashada & Khasaaraha Rabshadihii Xalay

MUSHARRAX CABDIRAXMAAN-CIRRO OO KA HADLAY WADAHADAL U BILAABMAY KOMISHANKA 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha Xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Caawa shaaciyey inay Maanta kulan yeesheen Guddiga doorashooyinka, isla markaana bilaabeen wadahadal lagu xallinayo Qaladaadka dhacay iyo Tabashooyinka uu qabo Xisbiga Waddani, wadahadal kalena isugu iman doonaan.

MUSHARRAX CABDIRAXMAAN-CIRRO OO KA HADLAY WADAHADAL U BILAABMAY KOMISHANKA 2017

Musharrax Cirro waxa uu Tacsi u diray Qoysaska iyo Ehelada Dad Shacab ah oo ku geeriyooday Bannaan-baxyo xalay Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo ka dhacay, una duceeyey kuwa ku dhaawacmay Rabshadahaas, waxaanu Booliska ugu baaqay inay Dadkooda Xabbadda ka dhawraan, halka uu Bulshada u soo jeediyey inaanay wax muddaharaad iyo rabshado ah samaynin ee ay ka war-sugaan Go’aanka ay Guddiga doorashada ka dhawrayaan.

Waxaannu Hadalka uu Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro oo ay Masuuliyiin Waddani ka tirsani dhinacyada ka taagnaayeen Caawa ku siiyey Saxaafadda qaarkeed magaalada Hargeysa, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.