Xisbiga Waddani oo Soo Bandhigay Caddaymo ay Sheegeen in Xisbiga Kulmiye Ku Shubtay Doorashada

XISBIGA WADDANI OO SOO BANDHIGAY CADDAYMOM MUUJIYEY IN XISBIGA KULMIYE KU SHUBTAY DOORASHADA 2017

Hargeysa(Aftahannews)- Saraakiisha la shaqaynta Guddiga doorashada u qaabbilsanaa Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa maanta shaaciyey inay hakiyeen wada shaqayntii ka dhaxaysay Guddiga doorashada Somaliland, ka dib markii ay Guddiga ku eedeeyeen inay ka jawaabi waayeen, waxna ka qaban waayeen Cabashooyin iyo Dacwado Qoraal iyo Afba ah oo ay u gudbiyeen oo la xidhiidha Sanaaduuqda Cob-bixinta qaar badan oo ka mid ah oo Xisbiga talada haya ee Kulmiye ku shubtay doorashadii Madaxtooyada ee 13-kii bishan Somaliland ka qabsoontay, waxaanay Warbaahinta u soo bandihgeen Waraaqo iyo Buugaag ay sheegeen in Xisbiga Kulmiye soo daabacday oo uu Sanaaduuq badan ku soo shubtay, sida ay hadalka u dhigeen Xubnaha Waddani u hadlay.

XISBIGA WADDANI OO SOO BANDHIGAY CADDAYMOM MUUJIYEY IN XISBIGA KULMIYE KU SHUBTAY DOORASHADA 2017

Saraakiil ka tirsan xisbiga Waddani oo ahaa masuuliyiinta xisbiga u qaabilsan komishanka ayaa waxay shaaca ka qaadeen in guddiga komishanku ay waxba ka qaban waayeen iskana dhago mareen cabashooyin ay xisbiga Waddani u gudbiyeen guddiga doorashooyinka Qaranka.

Sidoo kalena waxay soo bandhigeen waraaqo foojari ah oo ay sheegeen in ay yihiin kuwo loogu codeeyey xisbiga Kulmiye,iyaga oo carabka ku adkeeyey in ay gabi ahaanba hakiyeen wada shaqayntii guddiga iyo xisbiga Waddani.

Masuuliyiinta Xisbiga Waddani u qaabbilsanaa Guddiga doorashada oo faahfaahinaya Cabashooyinka ay Komishanku waxbaka qaban waayeen ee ay u gudbiyeen, Waraaqaha Been-abuurka ay ku sheegeen ee uu Xisbiga Kulmiye ku shubtay iyo sida wax yihiin-ba iyagoo ka hadlaya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.