Somaliland: Qaran 10 Geeddi Hore u Guuraya 40 Cisho Gudahood – Warbixin – WQ: Saleebaan Kalshaale

DALKA SOMALILAND PHOTO GOOGLE

Wax ka ogow arrimo badan oo ku saabsna bilowgii Olollaha Doorashada ilaa natiijada codbixinta marka lagu dhawaaqo – Warbixin – W/Q: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Hargeysa(Aftahannews):- Somaliland 25-ka maalmood ee soo socda waxay dhamaystiraysaa hayaan cusub oo ay 10 geedi oo ay hore uga guurayso mustawihii ay caalamka kaga jirtay 26-kii sannadood ee ay jirtay.

DALKA SOMALILAND PHOTO GOOGLE

laga soo bilaabo 20-kii Bishii ina dhaaftay ee October waxay adduunka uga muuqatay meel aanay ku ogayn oo cadow badan ka nixisay, kuwa ku farxayna uga dhigan Dugsi lagu barto Dimuquraadiyada iyo xasiloonidu ka bidhaamay Gobol ku yaalla mandaqad ku-tumashada xuquuqda aadamuhu u tahay naruuro oo aan nabad-gelyaddeedu gacan adag ku jirin.

13-kii Bishan November oo ku beegnayd Isniintii shalay, Shacbiga Somaliland, iyagoo xor ah oo aan cid khasabtay jirin, waxay u dareereen Doorasho Madaxweyne oo ay ku doorteen Madaxweynihii shanaad ee dalkani yeesho gbadani ka jirto tan iyo markii uu madaxbanaanida kala soo noqotay Soomaaliya 1991-kii.

Inkastoo aan wali tiro koob laga helin dadka shalay u soo baxay codbixinta Doorashada, haddana waxa la qiyaasayaa in ugu yaraan lix Boqol oo kun oo codbixiye iska xaadiriyeen 1642 goobood oo ku yaalla 21 degmo oo ay doorashadu ka dhacday.

Doorashadan oo qabsoomideedu muddo dheer soo jiitamaysay, muddo sanad iyo badh ku dhawaad ahna dib uga dhacday wakhtigeedii u cayimnaa, waxay codbixintu ku bilaabantay jawi degen, waxaana dhamaan goobaha codbixinta, albaabbada loo furay saacadu markay ahay 7:00 Arroornimo, iyadoo xidhantay  6:00 Galabnimo, sida ay ku dhawaaqeen Guddida Doorashada ee howsha u xilsaarnaa.

Codbixintu intii ay socotay wax dhibaato ah kama dhicin guud ahaan dalka. Mana jiraan ilaa iyo hadda Kiisas cabasho oo culus oo la diwaan-geliyey, inkasta oo ay Xisbiyada Mucaaridku sheegeen inay meelaha qaar cadaadis kala kulmeen Laamaha amaanka, sida uu Murrashaxa Xisbiga UCID wariyeyaasha u sheegay subaxnimadii Isniinta mar uu ka codeynayey xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ay murrashaxiinta Asxaabta iyo Madaxweynaha dalka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ka codeeyeen.

“Ciidanka Booliska waxaad moodaa inay dhinac yihiin, markaa waxaan leeyahay Taliyaha Ciidamada dadka dhex u noqda cid soo bixi allaa oge”ayuu yidhi Faysal.

Xisbiga WADDANI, ayaa isna sheegay in Magaalooyinka Hargeysa Wajaale lagu xidh-xidhay xubno howl-wadeeno ah iyo Taageerayaal, taasoo ay ku eeddeeyeen Saraakiisha Booliska iyo Maamulka Degmada Wajaale. Waxa kamid ah dadka la xidh xidhay Sarkaal kormeerka codbixinta u qaabilsanaa degmada 31 May ee Magaalada Hargeysa, sida uu sheegay Afhayeenka Xisbigaas Ibraahim Mahdi Buubaa oo gelinkii dambe kula hadlay Magaalada Hargeysa qaar kamid ah Warbaahinta.

Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan Xisbiga WADDANI oo ku sugan Magaalada Burco, ayaa Gobanimonews u sheegay in laba xubnood oo kamid ah howl-wadeenada Xisbigaas iyo Gaadhigii ay wateen lagu xidhay Degmada Dhoqoshay oo ka tirsan Gobolka Togdheer.

Siciid Xuseen oo khadka Telefoonka kula hadlay GNA, wuxuu sheegay in la qabtay Habeenkii Isniintii abaaro 10;00 habeennimo intii aanay bilaabmin hakinta dhaqdhaqaaqa Gaadiidku.

Hay’adda Amaanka iyo maamuleyaasha lagu xidhiidhiyey cabashooyinkani wax jawaab ah kamay bixin eeddeymaha loo jeediyey.

Guddida Doorashada oo xalay fiidkii ku dhawaaqay in codbixintii Doorashadu xidhantay ayaa sheegay in laba Askari ku dhaawacmeen Xabbad ka qaraxday Askari ilaalinayey mid kamida goobihii codbixinta ee Magaalada Burco. Guddidu waxay xaqiijiyeen in gabi ahaanba ay nabad-gelyo iyo xasilooni ku dhamaatay codbixintu.

Sidaasoo ay tahay dhamaan dhacdooyinkaasi maaha talaabooyin lagu tilmaami karo kuwo xisbiga Dawladdu si ku talo-gal ah cadaadis ugu saaray Asxaabta Mucaaridka, inkasta oo hadii aanay jirin sabab keliftay aan loo baahnayn in xadhig lagula kaco Dad ka shaqeynayey howsha Doorashada xisbigay doonaan ha noqdeene.

Dagaalkii Fagaaraha oo ku dhamaaday gacmo wada jir ah

Kaddib, 21 maalmood oo uu socday Olollihii Doorashadu, saddexda Murrashax Madaxweyne ee Xisbiyada, ayaa Sabtidii  Warbaahinta ka soo muuqday,  iyagoo Gacmaha is haysta, taasoo ay ku  muujiyeen jawi ka duwan kii laga arkayey intii Ololluhu socday oo ay Fagaareyaasha isaga jeedinayeen dhaliilo iyo eeddeymo siyaasaddeed oo aanay waxba iskula hadhin.

Murrashaxiinta Saddexda Xisbiga oo kala ah Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Faysal Cali Waraabe, ka hor intaanay iyagoo gacmaha is haysta soo marin mid kamida Waddooyinka Magaalada Hargeysa, waxa ay hambalyo u direen Taageerayaashooda iyo dhamaan Shacbiga Somaliland.

“Maanta waxaan muujinaynaa Somaliland oo gacmaha is wada haysata. Wuu dhamaaday loollankii fagaareyaashu, waxaanu ku dhamaaday sidaa ay gacmaha isu qabsadeen Murrashaxiintii tartamaysay.” Sidaas waxa yidhi Cabdiqaadir Iimaan Warsame Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka oo sabtidii hadlay isagoo ay hareeraha ka taagan yihiin saddexda Murrashax

Cabdiraxmaan Cadami waa siyaasi madaxbanaan oo ka faallooda arrimaha Siyaasada Geeska Afrika, waxaanu si qoto dheer ula socdaa Howlaha Doorashada iyo sida ay wax u socdaan.

Waraysi Magaalada Hargeysa uu ku siiyey Telefishanka  STN, waxa uu kaga waramay sida uu u arko hanaankii uu u dhacay Olollaha Doorashadu, natiijada uu ku dhamaaday, waxyaabaha ay Doorashadani kaga duwan tahay Doorashooyinkii hore uga dhacay Somaliland iyo natiijada laga filan karo Doorashadaasi, waxaanu tilmaamay inay Somaliland guul u tahay qabsoomida Doorashadan oo xasilooni ku dhamaataa.

“haddii Doorashadani ku dhamaato sidaa Ololluhu ku dhimaaday waxay uga dhigan tahay Somaliland inay 10 geedi hore u guurtay, inay 10 talaabo ayey hore u qaaday, inay 10 jar ka gudubtay”. Waxa uu intaa ku daray “Doorashadan Olollaheeda waxa ku badnaa Qabyaalada, laakiinse si nabad-gelyo ah ayuu ku dhamaaday” ayuu yidhi Cadami

Cabdiraxmaan oo la waydiiyey haddii Doorashadani ku dhamaato si nabad-gelyo ah waxa ay Somaliland uga dhigan tahay, kuna  soo kordhin karto fikirka ay beesha Caalamku ka qabto  waxa uu ku jawaabay. “waxay ka dhigan tahay inay hesho aqoonsi ama uu soo dhawaado furihii aqoonsigu”

Falanqeeye Cadami, ayaa sheegay in Murrashaxiinta tartamaysaa balanqaadyo badan sameeyeen “laakiinse way adag tahay in madaxweynaha soo socdaa fuliyo wixii uu balanqaaday, markaa waxaan leeyahay waa muhiim inuu fuliyo wixii uu balan qaad sameeyey oo kollay wada fulin maayee uu ku dedaalo inuu intii macquul ah fuliyo. Waayo dadku way ka aamin baxeen balanqaadyada siyaasiyiinta” ayuu yidhi.

Xilliga doorashaddu ku soo beegantay

Doorashadani, waxay ku soo beegantay xilli ay nololsha Bulshada ka sii muuqdaan raadadka ay ka tagtay abaartii dalka  ka dhacday horaantii sanadkan, hoos-u-dhac weynina ku yimi sarifka lacagta Shillinka, sidoo kalena Shaqo la’aani jirto.

Sidaasoo ay tahay wax ka qabashada Arrimahani aad ugamay muuqan  Aara’ddii ay fagaareyaasha ka jeedinayeen Murrashaxiinta ku tartamaysa Doorashadu, sida uu GNA u sheegay Maxamed Ibraahim Cabdilaahi (Sagax), oo ah Afhayeenka mid kamida  Ururarada Saxaafada Somaliland oo la yidhaahdo SSJW.

“Doorashadani waxay ku soo beegantay xilli adag oo cidhiidhi badani Bulshada haysto, Murrashaxiintu intii ay ka hadli lahaayeen wax ka qabashada dhibta haysta Shacbiga, iyagaa isku mashquulsanaa oo isu jeedinayey dhaliilo naxli abuuraya”.

Doorka Saxaafadda iyo Doorashada

Saxaafadda Maxaligaa iyo ta caalamkuba si fiican ayey uga warbixiyeen intii Ololluhu socday, waxaanay gaadhsiiyeen heer ay ku qiimeeyaan Olollihii ugu wanaagsanaa ee ka dhacay Afrika iyo inay Doorashadu u sansaan eegtahay tii ugu quruxda badnayd ee ka qabsoontay adduunka.

Sidaasoo ay yahay Saxaafadda gudaha, waxa lagu dhaliilayaa inay siyaabo kala duwan ugu dhex milmeen ama ugu kala gaxliyeen Xisbiyada wakhtigii Ololluhu socday, sida uu qabo  Maxamed Sagax oo mihnada saxaafaddan ku shaqeynayey in ka badan 15 sanno, goob-joogna u ahaa Doorashooyin badan oo Somaliland ka dhacay, waxa kale oo uu ka  waramay doorka ay Saxaafaddu ka qaadanayso gudbinta wararka la xidhiidha arrimaha doorashada,

“Inkasta oo mararka qaar la arkayey inaanay Warbaahinta qaarkeed dhexdhexaad u noqonayn Xisbiyada, haddana runtii Warbaahintu si qurux badan ayey u soo gudbinayeen Olollaha. Tusaale ahaan Telefishanka Qaranka iyo Warbaahinta Dawladda oo dhan waxaan ku hambalyeynaynaa sida ay dhexdhexaadka ugu noqdeen saddexda Xisbi Qaran”.

Cabdiraxmaan Cadami oo isna ka faallooday arrintan, ayaa sheegay “Doorashadani waa tii ugu horaysay ee ay Xisbiyadu si fiican u isticmaaleen Qalabka Warbaahinta, si ka duwan doorashooyinkii hore”.

Maxaa laga bartay Olollihii 21 maalmood?

Cashar ayuu u ahaa Olollaha Doorashadu, hogaamiyeyaasha, Shacbiga, Dawladda iyo daneeyayaasha Doorashada Somaliland. Qaabka uu u dhacay Ololluhu ayaa lagu tilmaamay mid ka da’ weyn Waddanka oo aan la filayn inuu ka dhici karo Somaliland oo kale. “wadnaha ayaa farta lagu hayey wixii qaabka loo Ololleeyey soo faqay, balse wuxuu ku dhamaaday nabad” ayey isku raaceen Maxamed Sagax iyo Cabdiraxmaan Cadami. “looma baahnayn in sida Maraykan iyo Yurub loo Ololleeyo” ayuu raaciyey Cadami.

Waxa aad u xiiso badan saddex Kelmadood oo maalmihii u dambeeyey hal hays u ahaa saddexda xisbi iyo Taageerayaasha, kuwaasoo kala ahaa BEDELLUU, FASHILLUU IYO NAJAXUU.

Saddexda kelmood ayey kala isticmaalayaan Xisbiyadu. Qaabka ay dadku u qaybeen ayaa cajiib ah. Carruurta da’da yar ayaa qaarkood ku heesaya “Ilmo yar oo 5 jir aan ku qiyaasay ayaa ku heesayey Bedelluu Kulmiye aad ayaan uga yaabay”ayuu GNA u sheegay Oday waayeel ah oo magaciisa ku sheegay Yusuf.

Sidan ayey u kala samaysteen Erey bixinta cusub;

WADDANI: BEDELLUU KULMIYE

KULMIYE; FASHILLUU WADDANI

UCID; NAJAXUU UCID

Baraha Bulshadu ku xidhiidho waa la xidhayaa codbixinta kaddib

Baraha Bulshadu ku xidhiidho, sida Facebook, WhatsApp iyo kuwa kale ee lagu gudbiyo farriimaha dadka badan gaadhaya, ayaa la xidhayaa maalinta codbixintu dhacdo ilaa natiijada Doorashada lagu dhawaaqayo, waxaana loo xidhayaa walaac laga qabo in lagu baahiyo waxyaabo Doorashada  khal-khal  gelin kara, sida Natiijo Male awaal ah ama wax kale oo lidi ku ah Doorashada iyo natiijadeeda.

Guddida Doorashada Somaliland, ayaa Sabtidii  si rasmi ah u shaaciyey inay go’aankaas isla wada qaateen dhamaan dhinacyada ay Doorashadu khusayso oo ay ku jiraan Murrashaxiinta asxaabta tartamaysa.

“way dhici kartaa mid ama laba kamid ah Warbaahinta Mareegaha (Online Media) inay qalad yar sameeyeen,waana mid la xalin karo, balse Baraha Bulshadu halistooda ayey leeyihiin mushkilada ugu badanina iyaga ayey ka iman kartaa”sidaas waxa yidhi Xoghayaha Ururka Mareegaha Somaliland (SOMA), Saleeban Cabdi Cali oo ka qayb-galay Dood ay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacada VOA-du ka qabatay doorka ay Saxaafadda Internet-ka ku shaqeysaa kaga jirto gudbinta Wararka  Doorashada.

Hase yeeshee, Maxamed Rooble oo ah aqoonyahan bartay mihnada Saxaafadda oo isna doodda ka qayb-galay ayaa sheegay inay halista baraha Bulshadu ku keeni karto xasiloonida Doorashadu  yartahay, marka la barbar dhigo haddii warar khaldan ay baahiyaan Warbaahinta Mareeguhu. “waxa jira intaasoo website oo aan cid leh la garanayn oo wixii la doono inta la geliyo meel loo raaco aan la garayn” ayuu yidhi Rooble.

Hakinta isticmaalka Baraha Bulshadu, waxay si weyn u saameynaysaa dhamaan dadweynaha reer Somaliland oo siyaabo kala duwan uga faa’idaysta, isla markaana ay uga mid tahay adeegyada isgaadhsiineed ee daruuriga ah. “waan ka soo horjeedaa in la xidho baraha Bulshadu ku xidhiidho, waayo Dalka waxa jooga dad badan oo marti ah oo kala xidhiidha eheladoodii ama howlo kale oo muhiim ah ku qabsada” ayey tidhi Raxma Maxamuud oo kamida dadka diidan hakinta adeegga baraha bulshada.

Doorashadu waa mid ka fog ku noqnoqasho iyo musuqmaasuq

Somaliland waxay noqoneysaa dalkii ugu horeeyey caalamka ee doorashada lagu qabto qalab electronic ah oo wejiga iyo indhaha aqoonsanaya oo lagu magacaabo iris, sida uu sheegay afhayeenka guddiga doorashada, Siciid Cali Muse.

Arrintan ayaa gacan ka geysaneysa in lala dagaallamo wax kasta oo  isdaba marin keeni kara, iyo in Somaliland ay xaqiijiso in ay qabato doorashadii ugu daahfurnayd qaaradda Afrika.

Waxa intaa dheer marka hoos loogu sii daadego Guddida Doorashada ee sare iyo dhamaan howl-wadeenadoodu waa la dhaariyey. Waxa kale oo jiray Wakiillo ka socda saddexda Xisbi oo ku sugnaa goob kasta oo Doorashada lagu qabanayo.

Xuseen Cabdi waa Aqoonyahan u dhuun-daloola arrimaha Doorashada,waxaanu Gobanimonews u sheegay “ lagama werwer qabo in cod lagu shubto iyo musuqmaasuq dhaco”. Cabdiraxmaan Cadami ayaa isna aragtidaa mid lamida kaga jawaabay su’aal laga waydiiyey suurto-galnimada wax isdaba marinta.

Khilaaf Doorasho

Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland, ayaa awood u leh inay ka garnaqdo haddii muran ka yimaado natiijada Doorashada. Ugu yaraan laba jeer oo Khilaaf ka dhashay Doorashooyinkii dalka ka dhacay, Maxkamadda ayaa dhegeystay Dacwadihii laga soo gudbiyey. Murrankii ugu adkaa ee Doorasho wuxuu dhacay sanadkii 2012-ka, kaasoo ay sagaal lix Urur-siyaasaddeed qaadaceen natiijadii Doorashada Golaha Deegaanka.

Doorashadii 80 cod lagaga helay Madaxweynaha iminka xilka ka sii degaya Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa sidoo kale ahayd mid natiijadeeda ilaa iminka aad loo xusuusan yahay.

Labadaa Doorasho ma ahayn kuwo u qaabaysan sida tan iminka looga taxadiray, waxaanay ahaayeen Doorashooyin lagu noq-noqday codeynta, dadka ka qayb-galayeyna aan tiradooda la ogayn.

Farqiqa u dhexeeya Doorashadan iyo kuwaa hore dartii, ayaa dadka badankiisu aaminsan yihiin inaanay suurto-gal ahayn khaladaad badan oo sahla in Doorashada lagu murmo.

Si kastaba ha ahaatee, murankii ka dhashay Doorashooyinkaa hore Maxkamadda Dastuuriga ahi markii ay dhegaysatay Dacwadihii laga soo gudbiyey kamay soo saareen qaraar Khilaafsan natiijadii guddida Doorashadu soo saareen, si lamida go’aankii Maxkamadda ugu saraysa Kenya ku laalshay Doorashadii Madaxtinimo ee dalkaas ka dhacday Bishii August.

Sidaas-darteed, lama filayo in haddii muran ka dhasho Doorashadan ay Maxkamadda Dastuuriga ahi soo saarto go’aan ku lidi ah Natiijada soo baxda, goob-joogeyaasha Caalamkuna waxay u muuqdaan kuwo mar walba tix-gelinaya cimillooyin dabeecaddeed ee ku gedaaman Doorashadan.

Murrashaxiinta ku tartamaysaa maxay ku kala duwan yihiin, maxayse ka siman yihiin?

Saddex Murrashax Madaxweyne ee ku tartamaya Doorashadan oo kala ah Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe, waxay ka soo jeeddaan Gobolka Maroodi-jeex.

Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), labadooduba waxay haystaan sharciga degenaanshiyaha Dalka Finland. waxaanay labadooduba kamid ahaayeen aasaaseyaashii Xisbiga UCID oo kamid ah Xisbiyadii ugu horeeyey ee Somaliland laga aasaasay.

Laba kamid ah ku-xigeennadooda oo kala ah Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ah Madaxweyne ku-xigeenka Kulmiye iyo Amb. Maxamed Cali oo Madaxweyne ku-xigeen uga sharaxan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ka soo jeeda Gobolka Awdal.

Murrashaxa Madaxweyne ku-xigeen ee Xisbiga UCID oo magaciisa Axmed Cabdi Muuse (Abyan), ayaa ka soo jeeda Gobolka Sool, waana markii ugu horaysay ee Siyaasi gobolkaas ka soo jeeda Murrashax Madaxweyne ku-xigeen isaga sharaxo Somaliland, madaxweynenna hadalkiisaba daa.

Da’da iyo Muuqaalka Murrashaxiinta

Muuse Biixi Cabdi iyo Eng. Faysal Cali Waraabe, waa laba Murrashax ayaa sida la sheegay isku da’ ah, halka Murrashax Cabdiraxmaan Cirro uu da’ ahaan ka yaryahay dhowr sannadood (5 sannadood).

Muuqaalka Murrashaxiinta, Faysal iyo Cabdiraxmaan Cirro, waxay leeyihiin Bidaar, midabkooduna waa casaan. Muuse Biixi ayaa ah isagu Nin Madow oo dherer ahaan ka dheer labada Murrashax ee kale.

Yaa guulaysan doona codbixinta kaddib?

Si kastaba ha ahaatee saddexdan Murrashax iyo ku-xigeenadooda labadii Doorashada ku soo baxaa, ma ay guulaysan iyagoo qudhi, balse guusha waxa la wadaagii doona dhamaan reer Somaliland oo dhan. Waxa xaqiiqo ah inaanay Doorashadani ahayn mid lagu dooranayo madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen qudha, hase yeeshee ay Shacbiga uga dhigan tahay talaabo ay Caalamka kula garnaqsanayaan.

Markhaatiyeyaasha Caalamka

Doorashadan waxa ka qayb-gelaya oo dalka ku sugan in ka badan 60 goob-jooge oo metelaya Caalamka, kuwaasoo ka socda Ururka goob-joogeyaasha Doorashooyinka Caalamiga ah. In ka badan oo kale oo ay kamid yihiin Muwaadiniin wadamo fog uga yimi inay door ka qaataan Doorashada dalkooda ka qabsoomaysa ayaa ku sugan magaalooyinka Somaliland.

Indhaha Caalamkuna waa markhaatiyeyaal meel fog ka soo bidhaaminaya sida wax uga socdaan Somaliland. Dalalka Jaarka la ah Somaliland wax faro-gelin kuma laha Doorashadan iyo kuwii hore toona, balse iyagu waxay mar walba danaynayaan inay nabad-gelyo ku dhamaato.

La soco Warbixino kale oo la xidhiidha Doorashadan………

Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Gobanimonews/Hargeysa Office.