War: Guddiga doorashooyinka Somaliland oo Mar Dhawayd Saxaafadda la hadlay

GUDDOOMIYAHA GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND CABDIQAADIR IIMAAN 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta Duhurkii Xaruntooda magaalada Hargeysa kula hadlay Warbaahinta, isla markaana waxay sheegeen inay Guud ahaan Sanaaduuqdii Codbixinta iyo Hawladeennadooduba ku soo hoydeen demgooyinkii iyo gobolladii ay ka tirsanaayeen goobaha kala duwan ee ay ka codeeyeen, waxaanay ka digeen Wararka Saadaasha ah ee Xisbiyahannadu faafinayaan ee ay ku sheegayaan in mid waliba ku horreeyo Codadka la-dhiibtay oo ay ku tilmaameen kuwo aan rasmi ahayn, lana rumaysan karin, Xaqiiqaduna Guddiga doorashada oo keliya ku xidhan tahay.

GUDDOOMIYAHA GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND CABDIQAADIR IIMAAN 2017

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Afhayeenka Guddiga Siciid Cali Muuse, ayaa Faahfaahin kooban ka bixiyey siday u soo gebo-gabawday Cod-bixinta doorashada iyo Tirinta Codadka oo uu sheegay in inta badan la tiriyey Codadka ay Shalay Dadweynaha Somaliland ka dhiibteen doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Shirka Jaraa’id ee uu Guddoomiyaha iyo Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Siciid Cali Muuse, oo Sharraxaad ka bixinaya halkay hawluhu marayaan, kana jawaabay Su’aalo ay Weriyeyaashu weydiiyeen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.