“Waxa ii Rumawday Riyadaydii ahayd inaan sameeyo Diyaarad Guuxeeda ka Dheeraysa..” Blake Scholl

Blake Scholl oo sheegay inuu ku guulaystay samaynta diyaarad guuxeeda ka dheeraysa 2017

Dubai(Aftahannews):- Blake Scholl markii uu Carruurta ahaa waxa uu aad u jeclaa waxyaabaha duula, ee  xawaaraha sare ku socda, waxaanu sheegay inay Riyadaasi maanta u rumoowday. Hadda waxa uu ku suganyahay Carwada duullimaadyada ee Dubai, halkaas oo uu doonayo in uu maalgelin u helo Shirkaddiisa samaynaysa Diyaaradaha guuxooda ka dheereeya.

Blake Scholl oo sheegay inuu ku guulaystay samaynta diyaarad guuxeeda ka dheeraysa 2017

Shirkaddiisa Boom ee fadhigeedu yahay magaalada Denver, ayaa waxaa hadda yaalla 76 dalab oo Diyaaradaha guuxooda ka dheereeya ah, waxaanu wadahadal u socdaa illaa 20 Shirkadood oo kale.

“Waxaan xusuustaa sannadkii 2007-dii in aan ka fikiray in markii lasoo saaray Taleefanka IPhone-ka in Adduunka uu xawaare ku socdo, balse Diyaaradaha waxa ay wali joogaan halkii ay joogeen sannadkii 1950-kii.” ayuu yidhi Scholl. Waxaanu intaas ku daray in markii uu cilmi-baadhis ku sameeyay uu ogaaday in wax badan ay suurtogal yihiin.

FARSAMAYNTA DIYAARAD GUUXEEDA KA DHEERAYSA

Shirkadaha Emirates iyo Qatar Airways oo ah kuwa maalgalin farobadan ku bixiya sidii ay adeeggooda u tayayn lahaayeen ayaa bartilmaameed u ah Scholl. Diyaaradda ugu horeysa ee guuxeeda ka dheereysa ayaa lasoo saari doonaa sanadka 2023-da.

Diyaaraddan ayaa noqonaysa mid xawaaraheeda uu aad u dheereeyo, waxaana ku rakiban 55 kursi, qorshuhuna waxa uu yahay in halkii tigid uu qiimihiisa noqdo $5,000. Waxyaabaha kale ee diyaaradan ay kuwa kale kaga duwanaan doonto ayaa waxaa ka mid ah in xiinkeeda uu aad u yar.

DIYAARAD GUUXEEDA KA DHEERAYNAYSA OO LA SAMEEYEY 2017

Scholl waxa uu xitaa aaminsanyahay in wax laga qaban karo dhanka xajmiga diyaaradda, lagana yareyn karo sida ay hadda diyaaradaha baaxad ahaan dhanyihiin, taasna ay wax weyn soo kordhin karto. Dhibka ugu weyn ee hadda haysta ayaa ah in diyaaradaha guuxooda ka dheereeya ay hadda mamnuuc ka yihiin hawada Maraykanka.

Waxaa inta baddan diyaaradahan hadda loo isticmaalo arrimo militari iyo cilmi baaris, waxayna noqonaysaa markii koowaad oo arrimo rayid loo isticmaalo. Marka laga reebo diyaaradihii hadda shaqada joojiyay ee Concorde ee British Airways iyo French Airlines, kuwaas kaliya ay raaci jireen dadka tujaarta ah maadaamaa qiimaha lagu raaco ay 30% ka badnaayeen qiimaha caadiga ah.

Xigasho BBCSomali.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.