Dawladda Jabuuti Maxay Ka Tidhi Siday u dhacday Doorashada Madaxtooyada Somaliland?

WAKIILKA JABUUTI EE SOMALILAND FADHIYA XUSEEN CUMAR KAWAALIYE 2017.png

Hargeysa(Aftahannews):- Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa ka hadashay qaabka u maanta dalka Somaliland uga qabsoontay Cod-bixinta doorashada Madaxtooyada dalkan looga dareeray iyo muhiimadda ay Somaliland u leedahay doorashadani.

WAKIILKA JABUUTI EE SOMALILAND FADHIYA XUSEEN CUMAR KAWAALIYE 2017.png

Safiirka Dawladda Jabuuti u fadhiya magaalada Hargeysa, Xuseen Cumar Kawaaliye oo maanta u warramay Telefishanka Star, ayaa sheegay in kormeer uu ku soo maray qaar ka mid ah goobaha Codbixinta ee magaalada Hargeysa, isla markaana uu indhihiisa ku soo arkay doorashada oo qaab hamsami ah u socota, codbixiyeyaasha oo si niyad ah ugu jira Safafka iyo Hawl-wadeennada ku guda-jira doorashada oo masuuliyad iska saaraya qancinta dadka iyo dhammaystirka hawsha ay hayaan.

Wakiilka Jamhuuriyadda Jabuuti u jooga magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye, ayaa ka Warbixiyey waxa uu Indhihiisa ku arkay iyo waxa uu War ahaan ila socdo illaa hadda iyo goobaha uu maray-ba iyo siday ahaayeen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Warkiisa Muuqaalkan hosoe ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.