Tirinta Codadka Doorashada Somaliland oo Ka Socota Goobaha laga Codeeyey

Hargeysa(Aftahannews):- Tirinta Codadkii la dhiibtay ee doorashada Madaxtooyada Somaliland oo maanta la dhiibtay, ayaa la bilaabay fiidkii caawa, iyada oo ay jireen goobo aan dhammaan oo Dadka doonaya inay Codeeyaan Safafka ku jireen wakhtigii loogu talo-galay inay xidhmaan goobaha Codbixintu oo ahayd lixdii Fiidnimo ee caawa, haddana inta badan goobaha laga codeeyey way xidhmeen, waxaana ka socota Tirinta Codadka, sida ay sheegeen Guddiga doorashooyinka Somaliland.

COD-BIXINTA DOORASHADA MADAXTOOYADA SOMALILAND OO TIRINTEEDU BILAABANTAY 2017

Doorashadan Madaxtooyada ee Maanta qabsoontay, ayaa si nabadgelyo ah ku dhacday, waxaanay noqonaysaa doorashadii Saddexaad ee Madaxweyne lagu dooranayo ee ka dhacda Somaliland, isla markaana si nabadgelyo ah ku qabsoonta. Waxaanay Dalalka Caalamku Somaliland aad ugu ammaaneen hirgelinta nidaamka dimuquraaddiga ah ee doorashooyinka Xorta iyo Xalaasha uga qabsooma inta badan iyo nabadgelyada buuxda ee ka jirta Dalka aan weli aqoonsiga haysan ee Somaliland. 

Somaliland doorashadii ugu horreysay ee ka qabsoonto, degannaanna ku dhammaataa waxay ahayd 1- middii Golayaasha deegaanka oo qabsoontay 2002-dii, 2- waxa ku xigay doorashadii Madaxtooyada 2003-dii, 3- waxaa ku xigay doorashadii Golaha Wakiillada oo qabsoontay 2005-tii, 4- waxaa ku xigtay doorashadii labaad ee Madaxtooyo oo qabsoontay 2010-kii, 5- halka doorashadii Golayaasha deegaanka ee labaadna ka qabsoontay Somaliland 2012-kii, doorashadan Maanta loo dareeray oo ah tii 6-aad, ayaa iyada iyo kuwaas ka horreeyey-ba, waxay ku qabsoomeen si nabadgelyo ah. Marka kuwa hore laga yimaaddo doorashada Maanta ee Tirintii Codadka goobaha laga Codeeyey maanta laga bilaabay, ayey Guddiga doorashooyinku sheegeen illaa hadda inta la ogyahay inay nabadgelyo hawluhu u socdaan.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Marwadiisa, Wasiirro iyo Saddexda Musharraxa ee Jagada Madaxtooyada ku tartamaya ee Xisbiyada UCID, Kulmiye iyo Waddani oo ay ka sharraxan yihiin; Faysal Cali Waraabe, Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Codadkooda ka dhiibtay Goobta doorasho ee Guriga Hay’adda Shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa.

Inkasta oo ay jireen Cabashooyin kooban oo maanta iyo xalay ka soo yeedhay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, iyaga oo sheegay in Saraakiil ka tirsan Waddani lagu xidhay magaalooyinka Wajaale iyo Hargeysa iyo Munaaqibiin ay sheegeen in xalay lagaga xidhay degmada Ceel-afweyn oo ka tirsan gobolka Sanaag, haddana dhibaato buuran ama cabashooyin xooggan oo la soo weiriyey inay goobaha doorashada ka dhacday lama soo sheegin, Xubnaha xalay Ceel-afweyn lagaga xidhayna isla xalayba waxa la sheegay in la sii daayey.

Waloow ay Guddiga doorashooyinku sheegeen in goobaha qaar gelinkii hore ee maanta Cillado koobani ka dhaceen, haddana waxay sheegeen in markiiba la xalliyey oo wax caqabad ah aanay doorashadu la kulmin. Illaa Lixdan Qof oo Goob-joogayaal caalami ah ayaa ku sugan gobollada iyo degmooyinka Somaliland ee doorashadu ka qabsoontay, kuwaas oo illaa 23 waddan ka kala socda, waxaanay Warbaahinta u sheegeen in hawsha doorashadu si wacan u qabsoontay illaa hadda xogta ay hayaan.

Somaliland oo 18-kii May 1991-kii ku dhawaaqday inay gooni uga taagan tahay oo ay ka go’day Dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ee ay ka midka ahayd muddo 30 sano ah, markii ay Midoobeen 26 June 1960-kii oo ay Somaliland Xornimada ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska, isla markaana hal dal isku noqdeen oo ay midoobeen 1-dii Julay 1960-kii Koonfurta Soomaaliya oo iyaguna isla maalintaa Xornimada ka qaatay Talyaaniga.

Hase-yeeshee, inkasta oo ay dedaashay Somaliland dhinaca nidaamka dimuquraadiyadda ee doorashooyinka iyo Xisbiyada badan, nidaamka dawladnimo iyo Nabadgelyo buuxdaana ka jirtay inta badan muddadaas, haddana weli kumay guulaysan inay Beesha Caalamka Aqoonsi buuxa ka hesho, marka laga yimaaddo inay dalal badan oo la aqoonsanyahay wada shaqayn fiican la leeyihiin Somaliland.

Dadweynaha Somaliland waxay weli rejaynayaan markasta inay dhinaca guusha u sii dhawaanayaan, oo ay maalin uun ka heli doono Caalamka Aqoonsiga ay Mutaysatay, iyaga oo saddexda Musharrax ee Madaxtinnimada Somaliland ugu tartamaya doorashada Maanta qabsoontay uu ballan-qaaday in haddii uu guulaysto mid kastaaba Shanta sano ee Sharciyan la doortay uu Aqoonsi gaadhsiin doono Jamhuuriyadda Somaliland ee 26-ka sano gaarka uga taagnayd Soomaaliya, intaas oo dhanna raadinaysay inay Dunidu u aqoonsato dal madax-bannaan.

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

mrmursal@gmail.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.