Ciyaaryahan Neymar oo la ilmeeyay Dhacdooyin Taabtay Noloshiisa

Ciyaaryahanka kooxda kubada Cagta PSG iyo Xulka dalka Braziil Neymar

Aftahannews(Sporst):- Ciyaaryahanka kooxda kubada Cagta PSG iyo Xulka dalka Braziil Neymar, ayaa ilmeeyey Xili uu qabanayay shir Jaraa id oo uu la qabtay Macalinka xulka Braziil Titte.

Ciyaaryahanka kooxda kubada Cagta PSG iyo Xulka dalka Braziil Neymar

Neymar oo ka hadlay waxyaabo badan oo ku saabsan kubada cagta kooxdiisa iyo Xulka Braziil ayaa ilmeeyey mar wax laga weydiiyey khilaaf la sheegay inuu ka dhexeeyo Macalinkiisa Unai Emery iyo weeraryahanka ay isku naadiga yihiin ee Edinson Cavani, isaga oo beeniyey in ay jiraan wararka laysla dhex maraayo ee khilaafka sheegaya.

Wargeyska L’Equipe ee ka soo baxa dalka France ayaa shaaciyey in uu jiro qilaaf u dhexeeya Neymar iyo Macalinkiisa taas oo keentay in aan la ciyaarsiin kulankii ugu danbeeyey ee horyaalka France balse waxa uu codsaday in la joojiyo hadaladaas, islamarkaana uu ku faraxsan-yahay Naadigiisa PSG.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.